Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Cadaabta Waa Meel Loo Si Diyaariyey Kuwa Wax-yiga Beeniyey .. Gurxanki Zakaraadka Boqoradi Ingiriska Elizabeth Oo Ku Eedaaday: Albaabki Cadaabta Laygu Guumeyn-lahaa Ayaa La i Tusaya ..The Door To Hell

Tuesday - September 13, 2022




Boqoradi Queen Elizabeth ee ahayd boqoradii ugu taariikhda dheereyd Boqortooyada UK ayaa ku geeriyootey qasrigii ay fasaxa ku qaadan jirtey ee ay ku lahayd magaalada Balmoral ee mandaqada Scotland oo ka tirsan Boqortooyada UK .. Sida aynu ognahay Eebe noma abuurin dheedheel wax walbana waa noo kala cadeeyey .. Ajasha amase mudada qofka loo qabtay waa wax kooban oo qof waliba maalin ayuu dhimanaya, laakiin yidi-diilada iyo wax-yaaluhu qofku had iyo goor ku fekeraa waa mid aan dhamaaneyn .. waxaan maalin walba aragnaa qof dhintay ama Meyd la sii wado, hadaba ma ku fekartay marna xiliga aad adigu dhimaneysid.

Dadka Ahlu Cilmiga ah amase aqoon-yahanada diinta islaamka, waxay yiraahdaan Dadka geerida iyo Eebe ilaaway wax kasta ay aruursadaan ma dhargaan mana gaaraan waxa ay ku fekarayaan .. Aduun aan wax tareyn ayey ururiyaan .. meel aysan degeyn ayey dhisaan .. aduunyo aysan gaareyn wey ku fekarayaan, waxaase kuwaas Eebe quraankiisa ku yiri" iska dhaaf ha cuneene oo ha raaxeysteene waxaa mashquuliyey yidi-dilada ay ku jiraan goor dambe ayey ogaan-doonaan oo maalki ay ku raaxeysanayeen waxba u tarimaayo .. Nabigeeni Maxamed SCW wuxuu yiri: waxaa had iyo jeer xusuustiisa badisan kan Macaanka iyo Raaxada gooya oo ah geerida .. Nin Ayaa nabiga wuxuu weydiiyey Qofka dadka ugu caqli badan, wuxuu nabigu ugu jawaabay oo yiri: "dadka had iyo goor xusuusta geerida oo had iyo jeerna u diyaar garooba, kuwaasaa ah kuwa dadka u caqli badan, waxayna la tageen sharaftii aduunyada iyo karaamadii aakhiro" 

Sidaan ognahay waxaa qabri u hoyati Boqoradi Elizabeth, waxayna ahayed qofka Aduunka ugu Raaxeysi badan, haddana ugu waqti dheereyd, amase lagu sheegi-jiray qofka ugu sharaf badan aduunka
maantana waxaa guryo u noqday qabuuraha, waxaa wehel u ah mugdiga, darisna waxaa u ah lafaha dadkii hore u geeriyooday, maalkedii waa la qaybsanaya oo wakaas waxba u tari-waayey, waxaa dhab noqotay Eebe hadalkiisii aahaa "Ma waxaad moodeen in aan idiin abuunay dheel-dheel oo marnaba xagayaga aydan u soo noqonayn ..  Akhiristow Walal marna ma ku fekertay maalinta aad dhimanaysid, maalinta aadan lahayn xeelad aad uga fakato geerida, marka geeriduna kuu timaada qoomamo ma ku anfaceyso .. hadda ayaad haysataa waqti waxaad hor istaagi doontaa Eebaha aan wax ka qarsoomi-karaa aanan jirin .. wax kasta oo aad aduunkaan ku haysatana aduunka ayaad uga tagaysaa waxaa ku raacayaa camalkaaga, haddii uu yahay mid xun waxaad la kulmaysa wax xun hadii uu wanaagsan-yahayna waxaa la kulmaysaa wax wanaagsan .. Cadawga islaamka waxay Cadaabtu u bilaabata isla marku Naf-baxo  

Waxaa hadal kooban oo sir la helay ah in marki boqorada Elizabeth nafta ka baxeysay ay martay marxalad ciriri la galiyey rafaad badan oo si silic ah naftu uga baxday, waxaa la sheegay in marki kala gureysay naf-baxeedi ay ku qaylineysay ereyada ah "Waxaan arkaa albaab Jahanamo oo la ii furay iyo waan arkaa Malaaiigta argagax leh" kadib waxaa qayladeedi u soo gashay gabadhi gaarka ka haysay amase u adeegi-jirtay oo weydiisi waxa ku dhagan oo ay la qaylineyso, waxay ugu jawaabtay "waxaan arkaa Albaab argagax leh oo la furay .. Boqoradi waxay qayli-saba nafti ayaa xoog looga siibay .. Warki argagaxa oo markiiba la gaarsiiyey wiilkeedi amiir Charles ayaa weydiiyey Baadarigi kiristaanka oo meesha ka agdhawaa, balse wuxuu ugu jawaabay wax usan Charles ku qancin, kadib ma daama amiir Charles u diinta islaanka dhawr jeer daalacday wuxuu la xariiray imaamka Msjidka Islaamka ee London, oo weydiiyey arinka albaabka boqorada loo furay .. Imaamki ayaa ugu jawaabay in Albaabka ay Sakaraadkeedi ku aragtay u yahay meesha loo asteeyey ee la geyn-doono .. Amiir Charles oo horay wax un Quraanka ka akhriyey welina barashadiisa ku taxan ayaa hadalki imaamka ku qancay, waxaase la saadaalinaya in Amiirka dhaxlay boqortooyada waa Chales-e uu markaan siyaasadiisa ku saleyn-doono ilaaliyaha diimaha dhan Ee cariga UK, halka ay marki hore boqortooyada ilaalin jirtay Diinta masiixiga oo qura ..  Waxaa garaad ahaan la odorasaya in Boqorka Charles u mar uun diinta islaamka qaadan-doono oo halkaas Reer Yurub iyo Gaalo baroor-diiq gali-doonaan