Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Qurmiye Al-Shabaab Oo Sidi Jinka Far-yaro Bidix Ka Baxay .. Cidanka Somaliya Oo Surin Walba Ka Soo Xiray Al-Shabaab Geeri Go'ana Ka Dhigay

Tuesday - September 20, 2022




Wararka laga helaayo goobha hawlgalka Ciidamada Amniga Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegaya in dhul baaxad weyn lagala wareegay ururka Al-Shabaab gaar ahaan deegaanka Sina-dhaqo ee gobalka Galgaduud, waxaana la sheegay in bulshada deegaanka loo yeeriyey Buunka si ay godinta u afeystaan isla markaana uga qayb qaataan hawlgalkaas ku socda Al-shabaab

Deegaanka Sina-dhaqo ayaa 35-KM dhanka koonfureed uga beegan magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, waxaana halkaas lagu dilay tiro ku dhawaad Labataneeyo ka mida meleshiaadka Al-shabaab kuwaas marar badan dilal ka geeystay degaanaada hoos yimaada maamaamulka Galmudug

Sidoo kale, Ciidamada Xoogga dalka ayaa gaaray deegaanka Labidulle oo ku dhow Sina-dhaqo, kaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Shabaab ee kasoo baxay Sina-dhaqo.

Ciidamada Xoogga dalka oo garabsanayay maleeshiyaadka deegaanka ayaa wada howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab, iyagoo kala wareegay deegaanno muhiim ah