Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Haddey Itoobiya Dhuun-yeerisay .. Jabhada Tigreyga Oo Ka Baxday Degaano Ay Ka Heysteen Goobolka Amxaarada

Monday - October 3, 2022


Mas’uuliyiinta gobolka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa sheegay inay dagaal-yahanadooda kala baxeen qeybaha ay ka haysteen ee gobolka deriska la ah, si ay uga hortagaan weerar weyn oo ka socda waqooyiga.

Ciidamada dowladda taageera iyo kuwa Tigray-ga ee ay hoggaamiso kooxda TPLF ayaa dagaal-kooda dib u billaabay dabayaaqadii August kadib shan bilood oo xabad joojin ah.

Dagaalkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale keenay in ciidamada Eritrea ay kusoo biiraan ayaga oo taageeraya kuwa federaalka Itoobiya iyo maleeshiyada taabacsan.

Mas’uuliyiinta Tigray ayaa goor dambe oo Axaddii shalay aheyd sheegay in kasoo saarista ciidamada ee qeybo ka mid ah gobolka Amxaara oo dhaca koonfurta gobolka Tigray ay lagama maarmaan u aheyd si looga hortaggo dagala kasii xoogeysanaya waqooyiga.

“Arrintan darteed, furinta koonfureed waxaan qeybo ka mid ah gobolka Amxaara ee aan horey u galnay kala soo baxnay ciidamadeena,” ayey ku yiraahdeen bayaan ay soo saareen mas’uuliyiinta gobolka Tigary.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dib u daadgureynta ciidamada ay socotay saddex maalmood, islamarkaana dib looga laaban karo haddii weerar uu kaga yimaado furuntaas mar kale.

Sarkaal ka tirsan dowladda Amxaarada ayaa AFP u sheegay in mucaaradka TPLF ay ka baxeen qaar ka mid ah magaalooyinka gobolka.

Dagaalka hadda socda ayaa dib u billowday 24-kii August wuxuuna meesha ka saaray xabad-joojin jirtay illaa bishii March.

Dagaalka ayaa muddada labada sano ku dhow ee uu socdo waxaa ku dhintay kumanaan qof, waxaana laga diiwan geliyey xadgudubyo xuquuqda aadanaha ah oo ay gaysteen dhammaan dhinacyada.