Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan Oo Jidkiina Noloshu Ha U Iftimaan Sida Xidigto Kale .. Waa Qiiso Tusmo Iyo Tusaale Fiican Leh Oo Ka Turjumeysa "Ha Saluugin Qaybaha Qallin Baa Saxiixe"

Thursday - October 13, 2022



Waxaa Jiray Wiil u dhashay dalka Faransiiska agoona ahaa oo albaabadi shaqada ka so xirantay, taaso keentay inu ku noolaado silic illa u gaajo la miiqmay iyo faqri oo dhaxalsiisay Murugo u kaga quustay jiritaankiisa nololeed wuxuuna gaaray heer u ka buuqo maskaxdiisa laguna tilmaamo Waali, sidaa daraadeed loo taxaabay isbitaalka Dadka waalida lana seexiyey.

Takhaatirti markay baareen xaalada wiilkaas kuma ay sheegin cudurka Waalida, balse dhibka haya u yahay xaalada aan lagu daaweyn-karin daawo iyo dabiib-toona, sidaa daraadeed maamulki isbitaalk waa u ka saaray wiilki xarunti caafimaadka oo ugu yaraan u ku haystay Cunto iyo jiif  .. Wiilka oo magaciisa la yiraahdo Mr. Mooris Shifaalyee waxa u ku qancay in dunida aysan u oolin fursad dambe oo u ku noolaado, sidaa awgeed wuxuu soo qaatay Bistoolad oo sadex jeer is ku dayey inu is ku dhufto, hasa ahaate mid kasta waa ay u kici-weyday jiq isku tiri

Mr; Mooris ayaa yaabay sida xitaa is-dilki iyo kiishki geerida looga masuugay, wuxuuna ugu dambeysti marku maskaxdiisa rog-rogaba wuxuu ku qancay in nolosha dunida wax uga hareen una siiyo nafsadiisa fursad kale oo u wax ku qabsado .. Mro Mooris wuxuu kufo kacaba ugu dambeysti wuxuu maanta safka hore kaga jiraa maal-qabeenada dalka Faraniiska oo caan ku yahay majaajilada iyo maaweelada carurta .. Rabi darajadiisa, deeqdiisa culus ayaa diinteena no sheegtay