Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Caafimaadka Fiican .. Faaiidooyinka Liin Dhanaanta Iyo Biyaha Kulul Ama Diiran

Sunday - October 16, 2022




Liin dhanaanta oo lagu daray Biyo Diirran Waxay u wanaagsan tahay caafimaadka qofka, sidaa daraadeed Halkaan ka akhriso 13 faaido oo laga helo cabista biyaha kulul iyo Liin dhanaanta:

1-Liin dhanaanta waxaa ku jira Vitamin C oo xoojiya hab dhiska difaaca jirka.

2-Liin dhanaanta waxaa ku jira pectin fiber oo faa’ido weyn u leh caafimaadka Min-dhicirka weyn, sidoo kalana bakteeriyada la dagaalama.

3-Aroorta hore oo la cabo biyaha diiran ee lagu daray liin dhanaanta waxay jirka ka saaraan sunta.

4-Liin dhanaantu waxay daawaysaa qabowga.

5-Liin dhanaantu waxay caawisaa dheefsiidhka waxayna yaraysaa laab dilaaca iyo dibirada.

6-Waxay yaraysaa Macdanta potassium ee ku jirta liin dhanaanta waxay nafaqaysaa unugyada maskaxda iyo neerfayaasha.

7-Cabista biyaha Liin dhanaanta waxay isku dheeli-tiraan heerarka pH-ka jirka.

8-Liinta dhanaan waxaa ku jira xadi aad u sareeya oo faytamiin C ah kaaso gacan weyn ka gaysata kicinta iyo sifaynta Beerka iyo in Suntu raacdo biyaha.

9-Liinta waxay hodan ku tahay Vitamin C oo hoos u dhiga laalaabka maqaarka, vitamin C-gu waxa uu dhalaaliya maqaarka waxaana u dilaa bakteeriyada dhalisa finanka.

10-Liin dhanaantu waxay carfisaa Afka, waxayna yaraysaa ilko xanuunka iyo yiridka.

11-Biyaha Liin dhanaanta waxay hagaajiyaan caafimaadka indhaha.

12-Cabista biyaha diiran ee lagu daray Liin dhanaanta waxay hoos u dhigaan miisaanka jirka.

13-Waxaad u baahantahay koob Biyo diiran ah, korka uga tuuji 3 ama 4 dhibco oo Liin dhanaan ah. sidaas muddo ku wad waxaad arki-doonta wax badan oo caafimaad-kaaga wax iska badaleen.