Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Xog Dahab Ah Iyo Xaqiiqo Sugan .. Maleeshiyo Beeleed Reer Muduga Oo Si Hiil Iyo Gurmad Ah Ku Soo Gaaray Hiiraan

Sunday - November 6, 2022



War Baa U Gaajo Badan .. Warar laga xigtay odayaal reer baladweyne ah gaar ahaan ka soo jeeda haybta beesha Xawaadle ayaa war weli hubaal u baahan ku sheegay in xiligi qaylo dhaanta Tola'yey fadhiga looga kacay ee haadka galow-leynaya loo waray reer hiiraan ay halkaas soo gaareen maleeshiyaad la beer-qaaday oo wax-tar reereed gurmad ahaan ka soo kicitmay dhinac Mudug iyagoo marki hore si teel-teel iyo qofba mar u soo galeen goobta forontada dagaalka oo ay dabadeed ka garab dagaalameen maleshiyaadka Xawaadle oo dagaal kula jira Al-shabaab .. Kooxdaas markiiba soo dhaweyn wanaagsan ayaa loo sameeyey

Qof sabab inaga daahsoon magaciisa u qariyey ayaa intaa ku daray in kooxhaas gurmadka halkaas u yimid ay iminka rasaas la dhacayaan cadawga cududa leh ee Al- Shabaab, waxaa la yiri kuwaan gurmadka awoodooda qaabka faltanka dagaal nin-kiiba Kun nin weeye oo la isku soo kabay, waxaa kalo la sheegay in ninka hadda hogaaminta u haya kooxdaas Neynaas ahaan lagu yeero " Dab La Tuuray" waana nin la yiri, waa "charismatic" xumaan buu ka hufan-yahay oo wixii goobta gardiida amase basarka dagaalka ka murtida isagu dhex-dhexaadin u kala gura, isla markaana garta culus gorfeyn geedka soo dhiga ..  waa nin gacal walaal ah oo la jeclyahay, waa nin jufooyinka Xawaadle ee kala irdhoobay hangoolada Reer-reer daabka haysta u kala gar-naqa ayey yiraahdeen .. Xawaadle iyagoo leh Awliya timi lagu gaari-karin garabsi diimeed iyo abaal baan u hayna ayey ninkaas duub cusub u xireen

Nimanka warkaan soo tabiyey oo wax qiraaya ayaa carabka ku dhuftay in Ragaas xaga Mudug ka yimi ee gobaha ka dagaalmaya ay Tolnimo dugsanayaan, balse inta badan is doon-doonta marki dhib dhaco, kooxahaas waxay cashar iyo wacdaro ka dhigaan goobaha dagaalka, waxaana hal-hays ay ka dhigteen "Wax Soo Cun Ama Ha lagu Soo Cuno Adiga" .. Waxaa la yiri Hal Libaax arkeysa ma godlato oo Shabaab markay ogaatay Raga dheesha dagaalka soo galay waxay iska jabiyeen Katinadihi ku xirnaa oo sidi Haadka u carareen  

Waranka Diigaya Al-Shabaab, wax ka xaaraameysan jirin xeer qabta jirin iyo xarig lagu xirto boob mooye aan wax kale u nooleyn oo xitaa maal Rasuul aan bixineyn jid gala iyo mid ka baxa-ba laga waayey, haddey naftii ka sii khiikh leedahay oo iminka buu meel u ka baxo la'yahay .. koleyba sidi gurmadka Reer Mudug halkaa u yimid shabaab shadaafta loo laabay oo hoogay wey badatay.
Hiiraaney iska Samir, Gargaarki Alliyo Guusha Waad Heliye