Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Barashada Caafimaadka .. Sida Ugu Fiican Ee Looga Hortagi-karo Hormoonka Kiciya Sokorta

Tuesday - November 8, 2022



1. Xilliga ugu badan Sokortu kacsan-tahay waa subaxdii sababtoo ah habeenkii waxaa aad u shaqeeya Hormanada qaar sida Adrenalin, Cortisol iyo Glucagon marka cabir sokortaada habeenka aadan ku cashayn wax bur ka samaysan, baasto iyo bariis

2. Sida ugu fiican looga hortagi-karo in hormonadaasi kiciyaan sokorta  waa  in qofku casheeyo maqribka ka hor ama uu sameeyo jimicsi cashada kadib .. cashada cishaha kadib waxay qofka u soo dadajisaa cudurada halista ah sida sokorta  iyo dhiig-karka

3. Sababta ugu badan dadka xusuustooda yaraysa ama badisa hilmaanshaha waa cunista waxyaabaha macaanka ah ama sokortu ku badan tahay. Macaanka in qofku cuno waa halis waxaase ka halis badan qofka inuu wax macaan aad u cuno isagoo aan samaynayn wax exercise ah dhididna uusan ka baxayn

 4. Dadka ugu badan ee ka bad-baada cudurada lala noolaado sida sokorta, dhiig-karka iyo kalastaroolka waa dadka qabta shaqooyinka gacanta laga qabto sida dhisida guryaha ama sameeya socodka 60 daqiiqo xiriir ah

 5. Farqiga u dhaxeeya Beerka qofka sokorta aadka u cuna iyo qofka sokor cunistiisu yar tahay waa midka sawirka kaaga muuuqda .. Beerka qofka sokorta aadka u cuna waa beerka Madow sawirka kore nadiif ma noqdo qofkaas beerkiisa. Sidaa darteed macaanka inta aad iska yarayn Karto yaree si beerkaaga uusan ugu samaysmin dufan 
By Dr. Mazamed Aadan Xasan