Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimca Wanaagsan Jimce Barakeysan .. Wixii Alle Qadarao Cidna Ma Celin-Karto

Thursday - November 10, 2022


Waaba Boqor araxn goys ah, wuxuu ku riyooday Boqortooyadiisa Oo u wareegtay Wiil aan haybtiisa la aqoon kuna koraaya geesinimo, waa Geed ku bxa gacalnimo iyo nabad gudoon .. Boqorka oo aan wax Wiil ah lahayen Riyadaas la fajacsan wuxuu Faaliyihiisi ka codsaday bal inu Riyadaas u helo wax tafsiir ah, dabadeed Faaliyihi oo Rog-rogay xisaabihiisi wuxuu u sheegay in boqortooyadiisa aakhirka u la wareegi-doono wiil xalay dhashay oo ka soo jeeda reero sabool ah, hasa-ahaate Faliyihi wuxuu talo ku siiyey boqorki in wiilkaas nabadgaloyo la siiyo oo qadarka rabi  iyo suubanaha koreeya lagu kalsoonaado.

Boqorki ma qaadan taladi shiikhisa, balse wuxuu ciidamadi dalka ku amray in wiilkaas xalay dhashay la soo helo .. Baaris iyo baadi-goob kadib wiilki waa la soo helay waana loo keenay, dabadeed boqorki isla markiiba intu qaaday ayuu Bad-weynta ku soo tuuray isagoo ula jeeda inu ka hortago qadarka la sheegay ee wiilkaa boqor ku noqon-doono, isla markaa wuxuu reerki wiilka dhalay ku xaal mariyey qadar lacag oo ay ku samraan, laakiin reerki oo wax ikhtiyaariya lahayen waxay isaga qanceen waxaas boqorku u gartay

Boqorki sidu rabay ma dhicin oo Wiilki u moolka Bada ku tuuray ma dhiman, balse goobti wiilka lagu tuuray waxaa tiilay Shabaag u dhigtay nin malaay-dabato ah oo isla waqtigaas wiilka la tuuray shabaakti soo baxsaday, halkaaso ninki Malaay-dabtada ah u shabaagtiisi ku dhex arkay wiil yar habeeno jira .. Ninki Malaay dabatada ahaa isla markiiba isagoo ku faraxsan hibadaas Alle siiyey wuxuu u geeyey xaaskiisa oo ay is ku afgarteen iney korsadaan.

Muddo kadib laga joogo Labaatan sano Boqorki waxaa faaliyaashiisi ku wargaliyeen in wiilki Bad-weynta ku tuuray u nool-yahay lagana jeclyahahay magaalada u degan-yahay .. Warkaas oo boqorka naxdin iyo filan-waa ku noqotay ayaa yiri: miyaan aqbali-karnaa inu mar labaad Wiilkaas boqortooyada u ordaaya naga soo hor mutuxnaado, sidaa awged wuxuu isla markiiba amray in Wiilkaas la baadi-goobo oo si deg deg ah logu keeno isagoo ujeedadiisu ahayed in Wiilkaas usan markaan ka baxsan dhimasho .. Boqorki oo wiilki loo keenay wuxuu u dhiibay warqad xiran oo ku socota Gover-natoorihiisa jooga magaala kale wuxuu warqadaas si qarsoon ah ku xardhay ereyo ah " Wiilkaan warqada ku wada Gir-girta Seefta laba afleyda ah qoorta kaga goy oo hilbihiisa waslad-waslad ugu tuur Eyda duur joogtada ah, Su'aal la'aan Iyo jawaab la'aan midna oo garo xil gudashada ku saaran iyo garo waxaad hayso"

Wiilki isago ku faraxsan warqada boqorka u dhiibay si deg deg ah ayuu isago faraskiisa wata la cararay wuxuuna socday maalin iyo habeyn ila goor habeen ah magaalada galay .. laakiin ma daama habeen noqotay wuxuu iska seexday Daar-weyn darbigeeda si Waagu marku baryo warqada ugu geeyo Gover-natooraha .. dabadeed Waagu marku baryey waxaa dusha Daarta ka aragtay Gabar qurux badan oo Daartaas ku nooleyd,  waxayna la yaabtay wiilka Daarta hoosteeda jiifa weyna u yeertay oo weydiisay waxa ku kalifay inu daartaan hoosteeda seexdo .. Wiilki ayaa yiri: Boqorka ayaa warqad dhambaal ah ii soo dhiibay oo ii yiri u geeh Gover-natooraha .. Gabadhi ayaa jecleysatay iney bal aragto waxa warqada ku qoran, sidaa daraadeed intey wiilkii siisay Qaxwe ay ku khaladay daawada hurdada, kadibna marki wiilki hurdo la khuuriyey ayey isla markiiba warqadi furatay waxayna ka akhrisay ereyo wiilka la rabo in lagu dilo .. Gabadhi oo aragtay daacdnimada iyo niyad wanaaga wiilka ka muuqata, laakii aan ogeyn inu gacanta ku sita Malaka-mootki dili-lahaa, ayey isla markiiba warqadi wixii ku qornaa badashay oo halkii ahayed "Su'aal la'aan iyo jawaab la'aan wiilkaa qorta ka goy" waxay ku badashay oo ku qortay Ereyo ah " Su'aal La'aan iyo Jawaanb La'aan Gabadheyda Halkaa joogta u guuri wiilka warqada ku wada" waxayna warqadi ku dhufatay Timbaro

Sidu qorshaha ahaa wiilki oo aan ka warqabin in warqada u wato ay si kale u badalan-tahay marki subaxi la gaaray si deg deg ah ayuu warqadi boqorka u soo dhiibay gaarsiiyey xaakimki governatooraha .. xaakimki warqadi ayuu si deg dega u furay, isla markiina goobti u warqada ku akhriyey wuxuu ku iclaamiyey .......... Qaybta hartay ee sheekadaan kala soco jimcada dambe inshaa allaah