Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Itobiya Oo Sidi Riyaha Weli Geesaha Is Kula Jira Oo Midba Kan Kale Hirdi-naayo Wax La Isu Ogoleyn .. Abiy Axmed Oo Sheegay Iney Ka Go'an-tahay Inu Hirgaliyo Heshiiski Tigreyga

Wednesday - November 16, 2022



Adis-Ababa - Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa u sheegay xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya inay ka go’an tahay heshiiski nabadeed oo uu kula gaaray hoggaanka Tigray-ga waddanka Koonfur Afrika horraantii bishan, si loo soo afjaro colaadda dad badan lagu dilay ee laba sano ka socotay waqooyiga gobolka Tigray.

Khudbad uu Talaadadii ka hor jeediyay baarlamaanka, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sheegay in dhinacyada dagaallamaya ay tahay inay hadda xaqiijiyaan inay raacaan heshiiska.

“Waan ka wadahadalnay, waanu heshiinay, waana saxeexnay,” ayuu yiri Abiy. “Waxa xiga ayaa la filayaa in la fuliyo.” ayuu raaciyay.

Fulinta heshiiskan oo kaliya, ayuu sheegay inay, “keeni karto nabadda mid waarta.”

Sida ku cad shuruudaha heshiiskii xabbad-joojinta ee 2-dii Nofembar lagu saxiixay Pretoria, dowladda federaalka Itoobiya waxay la wareegi doontaa xudduudaha gobolka Tigray, waddooyinka, iyo garoomada diyaaradaha halka dagaalyahannada Tigrayga ay hubka dhigi doonaan.

Noofambar 12-keedii, taliyayaasha militariga ee matalaya dowladda federaalka Itoobiya iyo kuwa gobolka Tigray ayaa saxiixday heshiis ay ku jiraan hub ka dhigista hubka culus iyo ka bixitaanka “ciidamada shisheeye iyo kuwa aan ENDF (militeriga federaalka)” ee gobolka Tigray.


Abiy ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay in nabaddu ay lama huraan tahay si loo hagaajiyo dhaqaalaha loona ilaaliyo “jiritaanka, madaxbanaanida, iyo midnimada” Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan Afrika oo ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof.

“Nabaddu mar walba waa wanaagsan tahay,” ayuu yiri Abiy, isagaoo raaciyay. “Xitaa haddii aad guuleysato, dagaalku waa xun yahay mar walba, sababtoo ah waxaad dilaysaa dadka, waxaad gubeysaa dollar.”

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa ka jawaabayay su’aalo ay weydiiyeen xildhibaannada baarlamaanka.