Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Kororso Aqoontaada .. Yaa Sayid Maxamed Cabdule Xasan U Bixiyey Neynaasta " Wadaadki Waala, Muxuuse Ka Yiri Taariikhyahan Prof Saciid Shiikh Samatar

Saturday - November 19, 2022




Dhawr doodood ayaa jira oo meello kala duwan ku sheegaya ciddii asal ahaan naanaysta bixisay. Waxa aynu soo bandhigi -doonaa doodahaasi iyo kuwa ugu miisaanka culus ee wadata caddaymaha la cuskan karo:
Qoraa Aw Jaamac Cumar Ciise AHN, wuxuu buugiisa taariikhda Daraawiishta iyo Sayid Maxamed Cabdille Xasan (1976) ku sheegay in Sayidku markii uu Berbera ka soo degay uu Ingiriisku weydiiyey canshuur oo uu diiday, ka dib uu isku dayey inuu xiro. Markaasuu turjumaankii Ingiriiska ayaa ka maslaxay oo uu yiri: inaga daa waa Wadaad waalane, Sidaasi ayey naanaysta Wadaadkii Waalaa (Mad Mullah) ay ku timid. Hasa-yeeshee Aw Jaamac muu soo bandhigin tixraac sugan, aan ka ahayn dad lagu kalsoon yahay.

Dhinaca Kale, Qoraagi weynaa Prof. Siciid Shiikh Samatar, wuxuu buugiisa "Oral Poetry and Somali Nationalism (1982)" ku sheegay in markii Daraawiishta lagu soo jebiyey dagaalkii Jigjiga 1900 ee ay dib u soo gurteen, wuxuu Cali Jaamac Haabiil curiyey gabyagiisii la oran jiray "Maxamed Waal" taasi oo noqotay naanaysta aan harin ee lagu xusuusto Sayidka .. Waxa kale oo meel kale ku sheegay in reer Berbera ay Wadaad Waalaan u bixiyeen markii uu bilaabay inuu aragtidiisa Diineed ku faafiyo Berbera iyada oo aanay reer Berbera aqoon ..  Tixraacu waa daliillo gabayo ah.

Qoraa Abwaan Axmed Aw Geeddi, wuxuu buugiisa Hortay Jire (2022) ku sheegay in sannadkii 1899-kii uu Sayidku weeraray magaaladda Sheekh, waxaanu gubay xaruntii dariiqada Axmadiyda. Waxaanu kaxaysta wixii xoolo meesha joogay .. Gabay uu Cali Jaamac Haabiil tiriyey, ayuu ku yiri "Suufi waalan baa noogu yimi, saba Nugaaleed ee sayn iyo wixii qoob lahaa, naga sabooleeye" naanaysta ku jirta ee SUUFI WAALAN waxba kagama duwan Wadaad Waalan.

Buugga Taariikh iyo Maansooyin, ee laga qoray Abwaan Qamaan Bulxan (1985) ayaa lagu sheegay in gabayga uu ku jiro Maxamed Waal uu tiriyey Qamaan Bulxan, sidaasina uu ku baxay magacani. Tuduc ka mid ahi waa "Maloow been haddaan Maxamed Waal moodnay Nebgii" Hasayeeshee waxaa la sheegaa in Gabaygaasi laga xaday Abwaan Cali Jaamac Haabiil ayuu leeyahay buugga "Hortay Jire" waayo gabayda Cali waxa ay qoraal la’aan ahaayeen in ka badan 100 sanno ayuu buuguu sheegayaa. Sidoo kale dhawr buug ayuu soo xignayaa oo gabaygaasi ku sheegaya inuu Cali Jaamac Haabiil ahaa.