Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Waa Qiiso La Xariirta " Intaadan Wax Falin Ka Fiirso Cawaaqibta Ka Dhalan-karta"

Thursday - November 24, 2022



Waa hore waxaa jiray Nin boqor ah oo saaxiib ka dhigtay Tima-xiirihiisa, wuxuuna ka heli jiray sida Tima-xiirihiisa waqtiga xiirimaad-kiisa u maaweeliyo, taasna waxay keentay in Tima-xiiriha u ka mid noqdo Raga laga tixgaliyo qasiriga boqortooyada oo xitaa waqti kasta aan laga celin xafiiska boqorka.

Sida caadada ah Boqorka wuxuu lahaa Nin wasiir ah oo hawlaha dawlada iyo boqortooyada  maamulkeeda uga masuul ah, kaaso awood badan dalka ku lahaa .. hadaba Wasiirka oo qiiq isku qarinaaya iyo kibir awgiis xaarkiisa sida Canabarka u shidanaaya ayuu is tusay inu awood badan leeyahay wuxuu talo ku go'aansaday inu afgambi ku wanjalo boqorka oo kala wareego Taajka boqortooyada, sidaa daraadeed si ay ugu fusho qorashaas u damacsan-yahay wuxuu maalin maal-maha ka mida Tima-xiirihi u keenay Sakiin Dahab ah oo lagu xiiro Boqorka, hasa-ahaate Tima-xiirihi oo shaki galay ma isticmaalin Sakiintaas, balse wuxuu isaga meeleystay Santuukh ay ku jireen qalabki xirimaadka.

Maalinti la gaaray xiligi xiirimaadka boqorka waxaa tima-xiirihi u ugu jaray boqorka Sakiinti caadiga ahayed ee u waligiis ugu jari jiray .. Boqorka ayaa inti loo xiiraayey waxaa ishiisa ku dhacday Sakiin dahab ah oo ka dhex muuqatay Santuukhi Tima-xiiraha, halkaas ayaana boqorki ka carooday sababta sakiinta dahabka ah loogu xiiri-waayey oo loogu dooray mid caadi ah, laakiin Tima-xiirihi waxba ma sheegin oo wuxuu ku adkeystay inu saas door biday, sidaa daraadeed wuxuu boqorki amar ku bixiyey in xabsiga la dhigo Tima-xiiraha.

Sidaa markay dhacday oo Tima-xiirihi xabsiga liinta ku cabaaya, waxaa maalin kasta soo booqn jiray wasiirki afgambiga damacsanaa, oo halkaas intu maxbuuska xabsiga ugu tago ayuu canaan iyo jirdil dhagaha ka raaci-jiray, wuxuuna ku doodi jiray maxaad amarkeyga u fulin-weyday oo Sakiinta Dahabka boqorka ugu xiiri-weyday iyo halkaad taalo waa abaalkaa .. samiirkow toos ayaa dhacday oo Goobta Tima-xiiraha lagu jirdilo waxaa markasta ka agdhawaa Askari ilaaliya Maxbuuska, kaaso dhageysan jiray hadalka iyo dooda wasiirka iyo Tima-xiiraha .. Askarigi ayaa la fajacay xaqdarada u ku xiran-yahay Tima-xiiraha iyo shirqolka u maleegaayo wasiirka, sidaa daraadeed askarigi ayaa si dhumaaleysi ah ugu tagay Boqorki oo u sheegay xaalada ka dhex socota Wasiirka iyo Tima-xiiraha.

Warba waa kan dambeya .. Boqorki oo warki loo sheegay si un marki hore u qaadan-waayey marna kaca marna fariista, ayuu amray in Tima-xiiraha si dhaqso ah Qasriga loogu keeno si uga hubiyo arinta shirqoolka .. Boqorki waxuu amray in loo yeero wasiirkiisa oo isna u dhiniciisa ka hubiyo damaciisa afgambiga .. ugu dambeysti wasiirki marki lagu adkeeyey baaristi cunaha la qabtay, wuxuu u burqaday si cantara-baqasha qirteyna iney u socon-weyday ku tala-galki u is lahaa boqorka cirbaha goo oo u ka fashalmay dhinaca Tima-xiiraha kaasoo diiday inu sumeeyo boqorka

Ugu dambeyn Boqorki oo ka xumaaday wax hubsan la'aanta ku dhacday iyo murtid-nimada wasiirka wuxuu amar ku bixiyey in Sakiinti Dahabka Ahayed ee sumeysneyd loogu xiiro Wasiirka, isla markaana isago aan la meyrin kafan lagu xirin bilaa Faataxo la Aaso, kadibna jagadiisa lagu wareejiyo Tima-xiiraha, lana siiyo bilad sharaf .