Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Hanashada Akhlaaqda Suuban Waa Xishoodka Dabacsanaanta Dulqaadka Erey Subanaanta Iyo Af-gobanimada .. Dawlada Jaban Oo Akhlaaq Wanaag Dugsiyada Lagu Dhigi-doono

Monday - November 28, 2022




Dawladda japan ayaa waxay dugsiyadii wax barashada waxay ku soo rogtay in ardayda loo dhigo maaddad cusub oo la yiraahdo "akhlaaqda suuban" oo dhalinta lagu barbaariyo .

Akhlaaqdii suubanayd ee dadkii hore ee japaaniiskii hore lahaayeen , oo ku salaysnayd is-ixtimaamid- kala danbay - is-qiimayn oo qofba qofka kale qiimeeyo - si wanaagsan iyaga oo u wada hadli jirey - isdhegeysan jiray -xishmad- salaanta oo aanay isla dhaafi jirin iyo iska warhaynta .

Hadaba dhaqankoodii iyo akhlaaqdoodii suubanayd ayaa waxa bedeshay , mid wadata ixtiraam-darro -- dulqaad-yari kala danbayn la'aan iyo af-xumo .. Arimahaaso sababeen in danbiyada dadku kala galaan ay aad iyo aad u fara bataan iyo in bulshadii uu soo kala dhex galo nacayb iyo colaad aan aasaas lahayn iyo ujeedo toona , Sidaa awgeed waxay xukuumaddu go'aamisay in da'yarta lagu soo barbaariyo akhlaaq suuban.

Waxaynu wada ogsoonahay wada garanaynaana akhlaaqdu qiimaha ay ku leedahay diinteena suuban iyo diinteena suubani sida ay akhlaaqda uga hadashay , Hadaba waxay ahayd in akhlaaqda wanaagsani dhaqankeena iyo nolosheena ay ka muuqato oo ay noqoto mid ummadaha kale inagaga daydaan .

Diinta islaamkuna dunida daafaheeda kale waxay ku gaartay akhlaaqdii suubahayd ee dadka muslimiinta ah laga arkay  .. Waa in akhlaaq wanaaga dugsiyada lagu baraa da'yarta  laguna barbaariyaa si loo helo bulsho akhlaaq wanaagsan .