Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Bismilaahi Al-Ramaan Jiir Ayaxa Iyo Aboor Is Wata Baa New Yor Ku Qamaamay .. New Yorka Baadi Goob Ugu Jirta Gacan Ku Dhiigle Dabar-Gooya Jiirka Magaalada Oo Sanadki Malaayiin Dollar Qaata

Monday - December 5, 2022



Magaalada New York waxaa ka socda baadi goob loogu jiro nin gacan ku dhiigle ah oo dabar goynaya jiirka magaalada .. Maamulka ayaa bixinaya mushaar sanadle ah oo gaaraya ilaa 170,000 oo doolarka Maraykanka ah si qofka ku haboon uu shaqadan u qabto.

Eric Adams, oo ah Duqa magaalada New York,  ayaa si cad u shaqaaleysiiya gacan ku dhiiglayaal si weyn ay baahi weyn ugu qabaan,  si ay u burburiyaan, amma u xasuuqaan waxay cadowga koowaad ee magaalada .. Dalabka shaqadan oo shuruudeheeda wadata, ayaa noqotay mid si weyn usoo jiidatay warbaahinta caalamka iyo rayal caamka bulshada Maraykanka iyo dunida kale, iyadoo loo qoondeeyay in la siiyo lacag dhan 4 bilyan sannadkii.

Duqa Magaalada New York, Eric Adams, ayaa November 30, 2022, wuxuu dalabka ogeysiiska ee dilaaga la doonayo in la shaqaalaysiinayo iyo shuruudaha shaqada ee jagadaa oo ah “Maareeyaha xasuuqa jiirka” ku dhejiyay xafiiskiisa, sidoo kale “Ma awoodaa inaad samayso waxan adag? su’aasha ayaa ciwaan looga dhigay  warsidaha qorista ee maamulka oo lagu baahiyay

Qiimaha shaqadan, ayaa noqotay mid dad baddan hunguri ka galay, kaddib markii ay daalacdeen mushahar soo jiidasho leh oo gaaraya 120,000 USD – 170,000 US, kaas oo qiyaastii noqnaya sannadkii 2.9-4 bilyan.

 Si aad u dalbato shaqada xasuuqa Jiirka ee dilaanimada qofka doonaya, ayaa looga baahanyahay inuu buuxiyo shuruuddaha looga baahdo, sida shahaadada koowaad ee jaamacadda, khibradda qorshaynta Magaalooyinka, maaraynta mashruuca, maamulka dadweynaha iyo aqoonta qalabka xisaabinta, waxaana shardi ah inuu yahay qof qaadanaya go’aanka ah in la burburiyo jiirka magaalada New York.

 Dadka inta baddan ka hadla dhibaatada jiirka,  ayaa tilmaama inta baddan in masiibada xayawaanku ku hayo ay si weyn hoos u dhigtay sumcadda magaalada ugu weyn Maraykanka ee New York, taas oo noqonay Dekedda koowaad ee ugu caansanayad dunida, ama ta labaad marka laga reebo Cadan oo Yemen ah.

Jiirka, ayaa inta baddan lagu arkaa meelaha tareenada dhulka hoostiisa mara iyo agagaarka meelaha qashin qubka. Sannadkii 2015, jiirku xitaa waxa uu noqday xayawaan cabsi weyn ku haya Magaalada New York iyo dadka Maraykanka, sida lagu baahiyay warbixin lagu daabacay boggaga hore ee vietnam Posts

Dhibaatada jiirka ayaa soo jirtay muddo dheer laakiin si dhab ah looma xallin. Qoraaga Ingiriisida Charles Dickens ayaa ka cawday jiirka markii uu booqday New York 1842kii.