Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Butin Oo Ku Si Dur-durinaaya Ukrine Gogoshi Nabada La Dhigana Taraq Ku Tuura .. Zeleniski Geeri Go'an Isa Soo taagay Oo Haddana ibriiq Maran Ku Aadimaaya

Saturday - December 31, 2022




War iyo Warbixino .. Inkasto dagaalka Ruushka iyo Ukrine u socday muddo 10 bilood, haddana ma muuqato calaamado u dagaalkaas ku joogsanaayo, sidaa daraadeed Wargeyska la magac baxay Newsweek oo isagu ka soo baxa cariga mareykanka ayaa badka soo dhigay waxyaabaha amase shurudaha labada dhinac ee ruushka iyo Ukrine ay ku doonayaan in mid walba u dagaalka ku joojin-karo.

Ugu horaanti madaxweyne Buutin wuxuu yiri:  Diyaar baan u ahay inaan wada hadal la galo Ukrine, waxaanse wada-hadalkaa aan ku xiray shuruudo ah: bal marka hore waa in Ukraine si buuxda isu dhiibto hubkana dhigto .. Tan labaad waa in aan laga hadlin Afarta gobol ee aan kala wareegay dalka Ukrine, sido kale waa in Nazigi ka kacay Ukrine hubka laga dhigo isla markaana la ciribtiro .. Butin ayaa ku adkeysanaya in haddi shurudahaas la yeeli waayo u dagalka sidis u socon-doona

Dhinaca kale madaxweynaha Dawlada Ukrine Zeleneski oo xarig u qabsada La' balse geeri go'an isa soo taagay ayaa isagana dhiniciisa shuruudo soo bandhigay si dagaalkaas loo joojoyo, waxuuna shuruud ku Yiri: waan in Ruush dhamaan ciidamadiisa kala baxaan arlada Ukrine gaar ahaa gobolada afrta ee ay ku habsadeen, taaso shardi u ah in dagaalka joogsado isla markaana Madaxweyne Butin is casilo.

Sida kale khubaro iyagu si wanaagsan ula socda dagaalada halkaas ka holcaaya iyo horumarka ciidamada Ruushka ay halkaas ka sameeyeen waxay ku tilmaameen in Madaxweyne Zalenski u tumaayo albaab aan la garaacin balse wuxuu ku aadamayaa Ibriiq maran