Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Jimca Wanaagsan Jimce Barakeysan .. Halkee U Ku Dambeeyey Nimanki Dilay Xuseen Ibnu Cali

Thursday - January 26, 2023




Markii ay dileen dhamaan ciidanki Xuseen la socday, waxa soo haray Xuseen ibnu Cali oo ahaa wiilkii ay dhashay inantii Rasuulka ee Faadima bintu Muxamed (scw),  marki hore way ku dhiirran-waayeen inay isaga si toosa u dilaan hase ahaatee mid Habaar-qabe ah oo la yiraah Shamir ibnu Dii Yazin ayaa yiri: War ninka dila, markaas waxaa dilkiisa ku dhiiraday nin la oran jiray Zurca ibnu Shariik Seef kaga dhuftay Xuseen garbka, kadibna Habaarqabe kale oo la yiraah Sanaan ibnu Anas ayaa Waran ka taagay .. Xuseen darbadi ku dhacday awgeed waa u dhacay, kolkaasuu madaxa kaga gooyey .. Xuseen maalintaas waxa lala dilay 72 of oo ay ku jiraan 17 ehelka baytka nabiga ahaa, waxayna kala ahaayeen: Caruurtii Cali ibnu Abudaalib: Xuseen ibnu Cali, Jacfar ibnu Cali, Cabbaas ibnu Cali, Muxamed ibnu Cali, Muxamed ibnu Cali, Cusmaan ibnu Cali, Abubakar ibnu Cali,

Waqti wuxuu soo wareegaba Cirib-danbeedkii kuwii dilay Xuseen ibnu Cali RC sidaan ayey u dhacday .. Mujirimka Khawle oo ahaa ninkii qaaday madaxii Xuseen ibnu Cali ee la tagay gurigiisa, waxa isaga u yimid ciidankii Mukhtaar beenaale oo isu xil saaray inuu ka aargoosto dadkii ka danbeeyey dilkii Xuseen RC. Dabadeena gurigiisa ayaa loogu yimid, markaasay xaaskiisii oo u caraysnayd ay tustay ciidankii waana la qabtay oo la dilay oo maydkiisiina way gubeen, wuxuuna dhintay isagooo aan cid ibnu aadam ah ka naxaynin .. sido kale Sanaan ibnu Anas oo qoorta ka gooyey Xuseen isagana waxa qabtay ciidankii Abacmar wayna qabteen oo gawraceen siduu u gawracay Xuseen ibnu Cali, sidol kale Cumar ibnu Sacad isagana waxa qabtay ciidankii Mukhtaar waana la dilay.

Shamir ibnu dii Yazizn odaygii macangaga ahaa isagana waa la qabtay oo waxa loo dilay sida ugu xun .. Cubaydillaahi ibnu Ziyaad oo ahaa madaxii ka danbeeyey dilkii Xuseen isagana waxa la qabtay maalintii Caashuuraa ee sanadkii 67-aad ee hijriyada, waxa qabtay ibnu Al-ashtar waanu gawracay wuxuuna madixiisii u diray Mukhtaarkii beenalaha ahaa, isaguna madixiisii iyo madaxyadii dadkii uu laayay ayuu saaray meel, kadibna madaxii Cubadydillahi ibnu Ziyaad waxa kasoo baxay Mas marna galaya afkiisa, kana soo baxaya sankiisa, maadaama uu madaxii Xuseen afka uu ka taagay qori, waxa loogu badalay in Mas isagana ka soo baxo sankiisa iyo afkiisaba.

Sidaas ayaa Ilaahay uga aargoostay dadkii ka danbeeyey dilkii saxaabigii Rasuulka ee ahaan wiilkii uu nabigu awowga u ahaa. Waxa jirta riwaayado sheegaysa in dumarkii Xuseen iyo walaashii si xun loola dhaqmay, hase ahaatee riwaayadahaasi waa daciif, manaysan ansixin.

Dhanka kale Yaziid ibnu Mucaawiya oo ahaa khaliifkii xilligaas waxa lasoo arooriyey inuu yiri: Ilaahay ha lacnado ibnu Murjaana oo ahaa Cubaydillaahi ibnu Ziyaad, ilaah baan ku dhaartee anigu hadaan ahaan lahaa waan cafiyi lahaa, ilaahayna ha u naxariisto Xuseen. Wxuuna Yaziid sii dhoweeyey Cali ibnu Xuseen iyo ehelkiisii waanu karaameeyey, waxayna aadeen magaalada Madiina.

Sidaas ayaa Ilaahay uga aargoostay dadkii ka danbeeyey dilkii saxaabigii Rasuulka ee ahaan wiilkii uu nabigu awowga u ahaa. Waxa jirta riwaayado sheegaysa in dumarkii Xuseen iyo walaashii si xun loola dhaqmay, hase ahaatee riwaayadahaasi waa daciif, manaysan ansixin.