Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 20 April 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Dawlada Mareykanka Oo Walaac Ka Qabta Xag-jirada Mitidiinta Ku Soo Kordhaya Somaaliya
Tuesday - April 6, 2010
Maamulka Obama ee dalka Mareykanka ayaa laga yaabaa inuu sida ugu dhaqsiyaha badan uu kor ugu qaado taageerada militari ee uu siinayo dowlada taagta daran ee federaalka Somalia taasoo ah arrin siyaasadeed oo ku qasbaysa waaxda gaashaandhiga ee Pentagon-ka inay sii wado doorkeeda aan muuqan ee ay kula dagaalamayso kooxaha Islaamiyiinta ee ka jira Somalia. Labada arrimood ee uu Mareykanka isku garab wado ayaa kala ah:- Hal dhinac, Mareykanka ku doonayo inuu ku curyamiyo awooda mintidiinta Al-Shabaab oo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin cadowga Mareykanka ee Osama Bin Laden kuna hanjabay inay weerarayaan Kenya. Taasina waa arrinta keentay in Mareykanka uu isticmaalo diyaaradaha aan cidina wadin si uu u bartilmaameedsado hogaamiyayaasha Al-Shabaab. Dhinaca kalena, Washington waxa ay ka walaacsan tahay in ku lug lahaanshaheeda militari uu sababo inay dhalato taageero ay Somalida siiyaan dagaalyahanada Islaamiyiingta. Mintidiinta ayaa horey u helay taageero shacbiga ah oo ay ku guuleysteen halgankoodii ay sanadkii 2008-da dalka uga saareen ciidamada Ethiopia ee Mareykanka uu taageerayey. Caga-jiidka Mareykanka inuu si toos ah u farageliyo mushkilada Somalia ayaa loo aaneenayaa in taasi ay sii kordhisay in kooxaha Islaamiyiinta ay xidido ku yeeshaan dalka. Madaxweynahi hore ee Mareykanka Bill Clinton ayaa si dhaqsiya ciidamada Mareykanka uga soo saaray Somalia sanadkii 1993-dii ka dib markii gudaha uu kaga furmay dagaal siyaasadeed oo ka dhashay dhimashada 18 askari oo Mareykanka oo lagu dilay Muqdishu xiligaasi. Iyadoo mar horeba uu dagaal uga furnaa wadamada Ciraaq iyo Afganistan, ayaa maamulka Obama waxa aanu hayn heelanaan uu ciidamo ugu diro wadan kale oo saddexaad oo uu ka furan furan yahay mashruuca waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada. Johnnie Carson, oo ah masuulka ugu sareeya ee Obama ugu qaabilsan arrimaha Afrika, ayaa bishii hore diiday talooyin ku saabsanaa in talaabo militari oo toos ah uu Mareykanka ku sameeyo Somalia. Mareykanka ma qorsheenayo, mana agaasimayo, manaya isku-dubaridayo howlgalada militari ee dowlada KMG, ma bixinayno mana bixin doono taageero militari oo toos ah oo siino dowlada Somalia, ayuu shir jaraaíd ka sheegay Mr Carson. Waxaa intaa dheer buu yiri in aanu bixinaynin la taliyayaal militari oo aan ku yaboohno dowlada KMG. ma jirto baahi ah in la Mareykan-gareeyo dagaalka Somalia, ayuu Carson sii raaciyey hadlakiisa. Si kastaba, Mareykanka waxaa baaqi u ah hal arrin oo ku dhiiran karo inuu weerar toos ah ku qaado Somalia taasina waa marka Pentagon-ka uu arko bartilmaameedyo la hubo sida dhacday bishii September ee sanadkii hore markaasoo ciidamada qaarka ee Mareykanka oo isticmaalaya diyaarad nooca qumaatiga u kaca ay dileen hogaamiye ka tirsan Al-Qaacida oo ku sugnaa koonfurta somalia.
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story