Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob

Friday - December 9, 2022




Xasuusta Taariikhda Been Lagama Sheego oo iyada Is Cadeysa .. Sheeko taariikh soo gudbinta si gudbinta qaybta ka ah waayaha ummada oo loo tabiyey sheeko ahaan baa waxaa laga wariyey Awoowe ka awoowe kuwaaso garasho weyn lahaa laakiin Wadku Zaman ka Zaman gaagaabiyey, ayaa laga xigtay qaabki iyo sidi beesha Tanade/Lelkase gaar ahaan Reer Shiikh Muumin Aadan ay ku soo dageen hayjadi aan la degin-jirin ee dhulka Xariir oo haatan loo yaqaan Galdogob .. sheekada Awoowa-yaasha soo taxnaa ee laga tabiyey ayey ku sheegeen in halkaas marki ugu horeysay u socdaal ku yimid shiikh Awoowe Muumin Aadan oo ay la socdeen laba nin oo ilma adeertiisa ah 

Waxaa la yiri Ragna waa Ragi hore hadalna waa intu yiri .. Sida Awoowa-yaasha ay sheegayaan, Awoowee shiikh Muumin Aadan wuxuu markiisi hore deganaa dhul ku yaaley dhinaca xeebta Garacad, halkaaso beelaha Tanade/Leelase ay intooda badan daganaayeen, halka beesha inteeda kale amase xoogooda ay ku kala baah-sanaayeen degaanada Bari, Nugaal iyo gobolada Dhexe .. Muddo kadib nin ka mida beesha Leelkase ee deganaa meel ka mida dhulka Garacad ayaa Gabar jirkeeda jaceyl la dil-dilaacay jufo ahaan ahayed Maxamed Cumar nin u dooneyd la baxsaday, waxaana gor dambe oo wareysi lagu baadi goobaayo waxaa la ogaaday in Nin iyo Gabar wada socda lagu arkay Aaga degaanka Xariir iyago sidi libaaxa u duur galaaya .. Kadib marar badan oo Awoowe Shiikh Muumin Aadan gogol geed hoostis loo dhigtay looga ashtakooday sidu arintaa ka Caaqil ahaan wax uga qaban-lahaa, dabadeed waxuu galay safar u ku raadinaayo Ninkaas iyo Gabadha baxsadka ah

Dadaal Rageed ha ka deyrin .. Awoowe Shiikh Muumin Aadan wuxuu maalmo iyo habeeno madow socdaba wuxuu ugu dambeysti gaaray meelo ka mida dhul-weynaha Xariir siba degaanka hadda loo yaqaan Galdogob .. Awoowe wuxuu halki ugu yimi dad Rabi Khalaq ah oo u ka subxaana-leystay si basar xun u nool oo hawshoodu un tahay ugaarsasho kaliya ( Dabato) waana u la hadlay oo salaamay laakiin wax jawaaba ma ay siin .. wuxuu kalo halki kula kulmay dhul Caws Calaf daaq leh ifka looga dhargaayo qurux badan oo geedo waaweyn iyo carro wanaag leh, teeda kale wuxuu ogaaday in degaankaan haddi cirko Roob ku maqan-yahay intusan dain u cagaarkiisa soo baxo kadibna indhaha isagoo la si raacaya cindigiisa ka yiri "Allahayow Jano Aduun ma arkay oo noloshi aan ku riyoon jiray tani kama foga iyo walee haddi aan geeriyoon halkaan waan ku soo guurin" 

Nolosha waa ayaanba ayaan qadoodi iyo dharagba leh .. Awoowe ma daama wadanka ay ka jirtay Eex iyo kana i xiga Aarsi iyo colaad, isla markaana xintan reer ka dhaxeya ku hana-qaaday, wuxuu Sanooyin badan Rabi ka tuugaayey in Ilaah siiyo Reerkiisa dhul iyo degaan u gaara, sidaa daraadeed wuxuu fikir iyo faaqidaad habeeno qaatay ku baadi-goobaayey talo u ehelkiisa degaankaan ugu soo raro oo ay noqoto dhul lagu bulsheeyo

Kadib wuxuu dib ugu laabtay Garacad oo si aabaabulan reerkiisi iyo qaraabadiisi maalin boqran ugu soo raray degaanki xariir ( Galdogob) dabadeed inti Reerka warkiisi taabatay oo siyaabo kala duwan u dhan-dhansaday wey soo raaceen .. Marki la soo degeyna xoolo ayaa la qashay oo Digri iyo Quraan iyo halka kheyr ku jiro lagu Alle baryey, laakiin waayo dambe oo beeshi degaanka ku soo xoogeysatay ku barwaaqawday, waxaase sida caadiga ah aduun hawli kama dhamaato oo Walaalihi dariska oo sheydaan turubka u qaaday waxay si hal-ku dhag ah isku waaniyeen: "Ku Durug Galdogob Daadku Ha Qaade" laakiin wax guula kama ay gaarin waayo beesha Leelkse halganki degaameyn-tooda waxay uga diga-rogatay is difaac hubeysan .. laakiin Arintu Si kastaba ha ahaate Beesha Tanade/Leelkase baacsi iyo boli-xoofeen waa diideen, balse Waa Gob, Gobtana Waa Lala Noolaada Laguna Dhex Noolaada,  

 Marki ilaahay guul kula damco dadkeeda ayuu ku siiya oo Baalal iyo Garabyo u ku duulo loo yeela .. Awoowe Shiikh Muumin Aadan oo ahaa nin socdaal badan Alle ku xirnaa lagu gaari-karin garabsi diimeed isagoo yarna Quraanka qaybay, isla markaana dhawr jeer xajka tagay isaga oo marki kowaad Sanad dhan Kacbada yuuraray oo ku jiray Aamus iyo cibaadeysi, dabadeedna loo furay Asraar iyo Faham kadibna ugu dambeys halki la soo degay ee galdogob iyo kulanki Reerka hadal iyo duco ka Yiri  "ILaahow adoomadaada halkaan soo degay Arsaaqada sida Roobka kaga-dhig, Noloshana ciriri ka ilaali, waxay jecel-yihiina siih iyo wax kasta maskaxdooda ku soo dhacana ugu deeq, Alahayow dariiq toosan mari iyo dawgi nabigeena, ILaahow waa taada" halkaaso iyadoo la ilmeynaayo Aamiintaa la isla guray .. Shikh Muumin waa la bogaadiyey oo loogu duceeyey in Eebe Janada waasica ah u goglo .. si kastaba ha noqote koleyba sheekaadan waa hubaal in jilba jiilka ka dambeeye ay isu si tilmaami-doonaan

Dhinaca kale waxaase xusid mudan in taarikh ahaan sida la xaqiijiyey in Tol-weyne Reer Tanade/leelkase ay si xooga ugu biireen dagaalki gurmadaka Axmad Guray, isla markaana Deyr ciidan ayey ku meeriyeen nabadgalyada Amiirki Axmed Gurey oo si weyn u jabiyeen Xabashida oo markasta soo rugaal celineysay, waxaana waqtigaas u baxay magac lagu shaabadeyey oo Ah "Tanade Waa Darbigi Nabada Ee Axmed Gurey" .. gabagabo geeridi imaamki Axmed Gurey ka bacdi tolki Tanade/Lelkase waxaa ku dhacay jab iyo kala firir iyo haraagoodi ku kala gooshay Daafaha Somaliya iyo dunida illa geeska iyo bartamaha Afrika

Arintu si kastaba ha ahaate ugu dambeyn Eebihi dhulka qaybiyey baa Reer Tanade/Leelkase sidaan ayuu dhulka ugu galaday
1- Reerka Korshe iyo Wardhaqo .. waxay dageen xagaa iyo itoobviya
2- Reerka Cali Shiikh .. waxay degaankooda u bateen dhinaca Shabeelada dhexe
3- Reer Aw-Salaat .. Dhinaca Shabeelada Hoose ayaa lagu sheegaa
4- Jaamac Xasan Muumin .. Bari, Nugaal baa lagu sheegaa 
5- Muumin Aadan .. xoogooda waa gaalkacyo, Galdogob iyo Jubada Hoose
6- Rooble Xasan .. Garowe, boosaaso iyo qardho bey joogaan
7- Reer Xabad .. Degaan Dan-goroyo, Eyl, Talex iyo Jubada Hoose
8- Maxamed Aadan ..  xoogooda Garoowe
9- Fiqi Ismaciil .. Degaan ahaan Gaalkacyo, Burtinle
10- Maalismooge ..  waxay degaan Gaalkacyo iyo Bari
11- Ismacil Cali .. Qandala ayey degaan
12- Suhure .. degaan ahaan Eyl - Nugaal
13- Maxamuud Cali ..  Degaankooda Bari, Bandar Beyla
14- Idris Cismaan .. degaankooda waa Garowe, Nugaal

hits Hits : 3678