Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Monday, 16 September 2024

Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya

Sunday - August 4, 2024





Hada ka hor waxaa jiray Nin shaqadiisu un ahayed dhac iyo boob, wuxuuna deganaa meel Miyi ah oo magaalada ka durugsan .. ilmihiisa oo tiro dhawr ahaa waxuu ku koriyey waxa u soo dhaco ama xado, teeda kale ilmaha u dhalay wax Diin iyo aqoon midna ma barin, waayo isagaaba ahaa nin lunsan.

Muddo ka dib Ninki xanuun ku soo booday awgeed cibaado la'aan buu ku dhintay; dabadeed xaaskiisi iyo ilmihi oo dhacdadaas kadis ku noqotay waxay garan-waayeen qaabka baratakol islaam ee Odaga janaasada loogu tukado .. Wiilki reerka u weynaa ayaa istaagay meel jid ah oo dadka safarada maraan .. Muddo waxuu goobti taagnaado waxaa marki dambe halki soo maray Oday garcas reer baadiya ah oo neef Wan ah u wata inu suuqa u beec geeyo.

Wiilki wuxuu ninki Wanka watay waa uu u xaal sheegtay oo yiri: Adeerow aabahayaga ayaa geeriyooday anagana ma naqaan sidaan Janaaso Ugu Tukano Ee Adeerow waxaan kaa codsanaya inaad salaad Janaaso nogu Tukato ..  Ninki reer miyiga ahaa ma daama isaga laftiisa u jaahil ka ahaa xaga diinta iyo janaasada waa u iska aqbalay dalabki wiilka .. Wiilki iyo ninki waxay tageen goobti Odaga meydkiisa yiil

Ninki reer baadiyaha ahaa, caruurti iyo ehelki xaafada ayuu saf galiyey Qibladana u jeesteen, dabadeed halki ayuu ka bilaabay Duco aan wax xariira la lahayen maamuska tukashada janaasada lagu yiqiin, balse halki ayuu dhambaal Duco dhimbil ah iyo Eebo tuug ku sii daayey oo yiri: Allahayow Adiga Ayey Mahadi Ku  Sugnaatay .. Allahayow Adigaa Jiif Iyo Joog-ba Noogu Nimceeyey .. Adigaa Wanaagaaga Oo Dhan Noo Sugay .. Taliyow Allahayow  Adey Taada Noqotaaye, Adigaa wixii aad tiraahdo taabo Galiyaaye Ee Eebow waxaa lagugu sheegaa Karim "the generous" waxaana Caawa halkaan marti kugu ah ninkaan meydka ah ee ilaahow soo dhawe oo marti soor, Oo aniga faqiirka ahaey haddu marti ii ahaan lahaa waxaan sooryo ahaan u qali-lahaa Wankaan aan wato oo aan ka siin-lahaa Sararo Iyo Jeeni u sosho Ee Eebow adigaa qani kariimna ah ee Ninkaa ku yimi diyaafad marti-soor ku soo dhawee 

Ugu dambeysti Wiilki Weynaa ayaa habeenki Waxaa Riyo lagu tusay aabihiis oo Janada socod ku dhex mushaaxaya, isla markaana higsanaaya Wabiyo xareeda, Wabiyo Dhay Ah, iyo Wabiyo Malab miid ah iyo jaad walba oo mira ah ah ku dhex cunaaya , wuxuuna riyadi aabihiis ku weydiyey sababta u ku helay Janada .. Odagi Aabe oo janada dhexdeeda ka soo waramaaya wuxuu yiri: Wilkeygow waxaa ii badbaadiyey Ninki reer baadiyaha ahaa ee Janaasada igu tukaday.

Wiilki Weynaa ayaa dib u baadi-goobay ninki aabihi janaasada tujiyey, kadibna marku helay waxaa u weydiiyey waxa u aabe ku sameeyey ee u janada ku muteystay .. Ninki ayaa ugu jawaabi oo yiri: aniga lafahaanteyd ma aqoon tujinta Janaasada , laakiin waxaan u akhriyey Baryo iyo Duco sidaas iyo sidaas ah    

hits Hits : 1156