War-doonka CIA-da Oo U Miciyo Listay Iney Kumanyaal Liiro Ku Doc-faruraan Qaybinta Mulacyada Shabaab
Tuesday - July 20, 2010
Sida la ogyahay Mareykanka iyo reer galbeedka ayaa horey ugu guuleystay inay kala qeybiyaan xubnihii ku wada jiray Maxkamadaha Islaamiga ah oo loo kala saaray qunyar socod (Shariif iyo kooxdiisa) iyo xag jiriin (Al-Shabaab).
Sarkaal sare oo hawlaha sirdoonka dhinac uga xiran ayaa qiray in xulufada Dowladda Somalia ay wadaan hindise qorshe mandate-ka loogu balaarinayo ciidamada Amisom, looguna ogolaanayo inay dagaal qaadaan, maadaama iminka ay ku kooban yihiin kaliya nabad ilaalin iyo inay is difaacaan marka la soo weeraro.
Sarkaalka oo iska diiday inu magaciisa cadeeyo ayaa carabka ku dhuftay in mareykanka ay daraasad ku hayaan habka ugu fiican ee lagu kala qeybin karo ama lagu dacfaruuri-karo kooxdii fulisay qaraxyadii Uganda ee Al-Shabab Al-Mujaahidiin, iyadoon aan la abuurin ayuu yiri dareen shisheeye naceyb gudo iyo dibada
Sarkaalka Isago oo ka jawaabayey suÂ’aal ahayd qorshaha Mareykanka uu doonayo inuu kaga guuleysto Al-Shabab, ayaa sarkaalku waxa uu yiri; Mareykanka waxuu isku dayi doono inuu kala qeybiyo kuwa xag jirka, inkasta uu qiray sarkaalkaas inay adkaan doonto sababo la xiriira naceybka dadka Soomaaliyeed ee ku wajahan fara gelinta shisheeye, gaar ahaan qorba joogta soomaali oo intooda badan ka caga jiideysa faragalinta iyo waliba taageerida beesha caalamka dawlada shiikh shariif oo ayba dhici karto in arinta ay waji kale yeelato, sarkaalka ayaa intaa raaciyey oo yiri; Al-shabaab xiligaan ma soomaali dhaba mise waa koox xag jira oo dibada ka timid? waana su'aasha ay mareykanku sida adag uu falaanqeyn-doono"