Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 15 May 2025

Xildhibaanadi Laga Eryey Parlamaanka Puntland Oo Ku Biiray Jabhada SSC

Friday - August 6, 2010

Waxaa Magaalada Buuhoodle ee Xarunta gobolka Cayn ee dawlada Puntland si weyn loogu soo dhaweeyey Sadex Mudane oo katirsanaa Golaha Wakiilada ee Puntland oo Todobaadkii tagay Shaqadoodii laga eryey,kadib markii lagu eedeeyey inay ka tirsanyihiin ama ay Xiriir dhow la leeyihiin ururka SSC.

Sadexdan nin ee dhawaan shaqadoodii laga eryey ayaa Boqolaal ruux oo lulaya Sawirada & Calaamadaha SSC ay kusoo dhaweeyeen magaalada Buuhoodle,waxaana ay halkaas kulamo la qaateen madaxda SSC,iyagoo si toos ah u shaaciyey inay ku biireen ururka SSC.

Ex-Xildhibaan Ibraahim Maxamuud Guure oo kamid ahaa Sadexdan Xildhibaan islamarkaasna la hadlayey Boqolaal dadweyne ah oo soo dhaweysay ayaa sheegey in Xukuumada Faroole ay guul daraysatay,waxaana uu intaas ku daray in lagu eedeeyey inay shacabkoodii u shaqeeyeen isagoo sheegey intaasi ay tahay mid aanan Suurtagal ahayn.

Mr,Guure wuxuu sidoo kale sheegey in qaarkamid ah madaxda dawlada Puntland ay ka xumaayeen shaqada uu shacabkiisa u hayo,waxaana uu si gaar ah u dhaliilay Madaxda sare ee Puntland oo uu sheegey inay si waali kujirto wax u maamulayaan,wuxuuna shacabkii soo dhaweeyey u sheegey inuu yahay Xubin firfircoon oo SSC katirsan isaga & Saaxiibadiisii kalena ay SSC la shaqeyndoonaan.

Madax farabadan oo katirsan ururka SSC oo uu kamid yahay Hogaamiyaha Ururkaas ayaa soo dhaweyntii xildhibaadan hadalo kaladuwan kasoo jeediyeen,waxaana ay kuwa weli kujira Golaha Wasiirada ka codsadeen inay dawlada Puntland ka baxaan islamarkaasna ay SSC kusoo biiraan si ay shacabkooda ugu shaqeeyaan.