Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 17 May 2025

Komandos La Soo Daadshay Is-Dhaafaya Oo Ciribtiridoona Kooxaha Gafuur-taaga Ee Ka Dhaga Nugul Nabada

Saturday - December 18, 2010

Mogadisho- Qaban qaabo xoogan oo dhinaca milateriga ayaa Dowladda KMG ah maalmahan ka wadaa Magaalada Muqdisho, iyadoo bilowday diyaar garow iyo dibuhabeyn ay ku sameyneyso Ciidamada Xooga dalka.

Qorshaha 100-ka maalmood ee Xukuumada Farmaajo ku dooneyso inay ku qabato Caasimada Muqdisho ayaa ku bilowday qaab abaabul ciidan a, kadib markii dhowaan Madaxweyne Shariif uu Xarunta Villa Baydhabo ka furay Hogaanka Taliska Ciidamada.

Madaxweyne Shariif ayaa si aan horay loo arag u bilaabay dhaq dhaqaaqyo iyo kulamo uu la qaadanayo Saraakiisha Ciidamada, isagoo muddo afar cisho ku sugnaa Villa Baydhabo oo uu la degnaa Ciidamada Milateriga oo u badnaa saraakiishi hore.

Diyaar garowga iyo Istiraatiijiyada dagaalka ee Dowladda dejisay ayaa ku siman qabashada Magaalada Muqdisho, si Dowladda KMG uga baxdo xeyndaabka ay ku sugan tahay, iyadoo Madaxwyene Shariif uu ka dhawaajiyay in Ciidamada Dowladda ay iminka diyaar u yihiin dagaal.

Waxaa jirtay in Ra’iisul Wasaare Farmaajo iyo Xukuumadiisa u badan qurba-joogta ay wadeen qorshe ballaaran oo dhinaca milateriga ah, taas oo ay muuqato in Madaxweyne Shariif uu kula garab galayo, kadib markii labadooda booqdeen xeryaha ciidamada iyo aagaga dagaalka, hase yeeshe waxaa heysta howl aan yareyn oo jidkeeduna yahay mid Qodxo badan, taas oo u baahan ka gudbideeda, waa tan kowaadee Istiraatiijiyada Xukuumada waxay ku saleysay kala qaybinta qorsheynta Ciidamada xooga dalka, daryeelkooda iyo mushaaraadkooda.

Doorka Madaxweynaha ee hirgelida qorshaha dagaalka waxaa uu yahay mid ka badalan sidii hore, isagoo maalintii shalay Magaalada Muqdisho kaga furay Isbitaal ay leeyihiin Ciidamada, kaas oo hadii ay ku soo waxyeeloobaan dagaalada lagu daryeeli doono, waana tallaabo ay dowladda horay ugu qaado dhiira gelinta iyo kor u qaadida dhinaca niyada ciidamada.

Tan Labaad ayaa waxaa uu yahay qorshe macquul ah oo ujeedkooda yahay sidii Muqdisho lagu xasilin lahaa, waxaa qorshahaas uu ku wajahan yahay sidii Muqdisho loo qaban lahaa muddo 10-maalmood iskaashigeedana qeyb lixaad leh ka qaadan doonto Beesha Caalamka.

Istiraatiijiyada qabashada Caasimada Muqdisho waxaa ku lifaaqan sirdoon dhinaca dagaalka, waxaana Ciidamada Dowladda dagaal gelintooda uu ka duwanaan doonaa qaababkii hore, iyadoo ay adeegsan doonaan isgaarsiin isku xireysa saldhigyada laga hogaaminayo ciidanka, kaasoo dowladdu dhowaan heshay.

Warbixin dhowaan lagu soo daabacay Bogga Wikileakis ayaa lagu sheegay in kulan Bishii May ee sanadkan dhex maray Ra’iisul Wasaarihii hore Cumar Cabdirashiid iyo Sarkaal Mareykan ah lagu soo qaadya fashilka weerarkii AMISOM ay qaaday, kaas oo dhinaca isgaarsiin la’aanta lagu macneeyay fashilkiisa, kadib markii AMISOM u qaateen goobihii ay qabteen in lagu hareereeyay.