Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 18 May 2025

abaaraha galdogob

Wednesday - January 5, 2011

ALLAHA-YOOW NA SABA BIXI!‏By: Abdi-Shotaly
Waxa laga soo dayri-nayaa goboladda sanaag, sool, togdheer, cayn, oodweyne iyo meelo badan oo ka mid ah xuduudda somaliland oo ay abaaro wadar u saameeyeen oo ay fara xun ku hayso, keentay-na dhibaato aad u baahsan, marka la sheego abaar waxa ku saabsan xaaladan oo kale, ama ay dhega-haaga ku soo dhacdo erayga la yidhaaho abaar, waxa aad markiiba fahmaysaa in ay jiraan biyo la’aani iyo xaaluf oo la waayey caws ay cunaan xooluhu, sideedana nolosha ummadda somaliland waxay ku xidhan tahay ta baadi-yaha ee ah xoolo dhaqatadda, madaama ay sidaas tahay marka ay qaylo dhaani timaado ku saabsan abaar soo food saartay dhulka daaqa ah ee ay ku foofaan xoola-heenu waxay saamayn weyn ku yeelanaysaa sida uu u dhan yahay miyi iyo magaalo-ba, waayo waa wax wada xidhiisan oo aan sina u kla bixi karin, khatarna ku ah dhan kasta oo la eego haddii ay tahay xagga dhaqaalaha, iyo nolosha caadiga ah-ba, weliba xooluhu waa tiirka ugu weyn ee aynu lee-nahay, haddii la waayana waxa yaabo badan baan kala soconyn, tusaale ahaan dekedeena berbera waxa keli ah ee an ka dhoofinaa 100% waa xoolaha, waxa waajib ah markaas in culays la saaro si looga baxo abaarta ku habsatay meelha kor ku qoran.
Way kal xun yihiin biyo la’aanta iyo caws la’aantu in kasta oo labduba ay lee-yihiin marka yimaadaan khasaare aad u fara badan. Biyaha la’aanta baa labadda la qaatay, waayo waa loo dhaamin karaa oo meelo fogfog baa laga qaadi karaa lana gaadh-siin karayaa marka loo guntado ee ummadu ay xil iska saarto, xukuumad, gancsato iyo hay’yadaha sama-falkuba, marka la is kaashado waa laga jibo keeni karaa oo kolay wax waa laga taageeri karayaa, haddii la fahansan yahay cawaaqib xumida ay lee-dahay cidhab-teedda abaartu, maahana in la eegto waa in gurmad deg-deg ah loo fidiyaa ummadda ay ku xidhan tahay nolosheenu oo ah  xoolo dhaqatadda, haddii kale waxa iman kara in la isla bas beelo miyi iyo magaalo-ba, taas oo cid kasta si toos ah u taabnaysa xataa xukuumad ahaan haddii ay leedaan xooluhu ma ay heli doonto doolarka faha badan ee ka soo gala, kaas oo aynu ku kala socono.
Ta ugu darani ee la lee-yahay waa ta imika taagan waa caws la’aan, ahna ta ugu xun ee aan loo heli karin ama loo dhaamin karin sida biyaha aan kor ku xusay, caws la’aantu waa masiibo waayo, xataa biyo hadii la siiyo xoolaha way ku si ledaan oo ku dhintaan, mana joogi karaan inta ay biyo yarida ku sii noolaan karaan, neefka wiig caws waayaa waa adga tahay sida uu u sii riiqo, sidaas awgeed, ilaahay waxan ka baryayaa in uu sida ugu dhakhsaha badan uu raxmaad u shubo, oo ay geedo u soo baxaan, arimahan waxa sii falkiyey nabaad guurka dalka lagu hayo ee geed qoyan iyo mid qalalay-ba gunta laga maray ee dad aan cidna dan ka lahayni u xaaqeen dhirtii iyo baadkii oo baayac-mushtar galay, cid danaynay-saana ay iskaba yar tahay, dabeed-na ay faraha ka baxaday, waata keentay in ay macaluul ugu bakhtiyaan dad caasimadda dhex-deedda, taas oo cadaynaysa halka ay inaga gaadhay naxariis darradda ina haysa, ee aan la isu damqa-naynin, arintan oo daaha ka rogtay xataa in deriskii ay sheegtay diin-teenu ee ay tidhi 40 guri oo dhan walba kaa xiga afarta jiho waa in uu qoys wliba ka war hayaa, oo iyana sheegaysa in aan diintii dhinac ka maray, marka aan isu naxariisan weyno waxa inagu dhacaysa ciqaab alle uu inagu tusaayo waxa aynu samaynayno ee xun ama la inka mamnuucay ee aan kui kacnay, waana arinta ina taabtay, ee jaarkii is ogaan waayey, abaartani waa qalad samada ka timi, markii intii wax haysatay, ay u jixin-jixi wayday intii saboolka ahayd ee aan awooda lahayn, waa xaajo ah wax ku qaata ee si kale maaha akhris-toow.
Waxa aynu galay dunuub aad u fara badan oo ka dhalatay wakhti-yaddii doorashoo-yinka iyo isku jeedkii la iska keen hor jeediyey, qabyaaladdii, iyada oo waxa xun la isku gargaa-raayo, xumaantii iyo fusuqii oo noqday xad dhaaf, isu miciin la’aan, iyadda oo laga faanaayo wixii wacnaa oo aan cid is qabanaysaa aanay jirin ee la isku sii badhi taaraayo wixii foosha xumaa, cadaaladdii oo aynu ka tagnay, dhiigii oo aan xalaal-sanay, been aan la isu joojinayn, tuugo iyo dhaar been ah, markhaati hunguri lagu kiraystay, oo tii alle ka tegay, iyo ku wiirsi inta dayac-nayd lagu aflagaa-deeyo, wax-yaabo qayrul-macquul ah oo argagax iyo dhabana-hays kugu dilaaya oo taagan suuqyada meeshii aad martaba, xaasinimaddii oo faaftay oo mid-ba mid uu sii waydaari-naayo kodadda wax uu ku dilaayo-na aanay jirin haba yaraatee, arimahan iyo malaayiin kale oo fara badan oo aan maqaal lagu soo koobi karin baa cadho alle inagu timi, ilaa aan ka waantoow-nona waa taas oo abada ah, rabbi wuxu ku yidhi quraan-kiisa ummaddii aan is caawin, ana ma caawiyo, waana ta joogta maanta ee abaar iyo dhimasho macaluul ah ay noqotay aayahii aan ka dhaxalay, ilaah ha inaga qabto, laakiin sida aan ku socono iyo wadda aan ku joogno haddii aynaan wax ka bedelin yaan loo fadhiyin wanaag iyo in ay ka soo rayso.
Waxa ku baraaruji-nayaa xukuumadda khaastan madax-weynaha iyo maamulka uu u yahay madaxa ugu sareeya in ay fadhiga uga kacaan dadka abaarhau ay soo wajahday, meelaha iyo goboladda laga soo qayliyey, sida ugu deg-degsana ay ugu dhaqaaqaan, ma aha dawladda oo keliyahe waa in ay dhmaan ummadda wixii wax haystaa, sururadda sama-falka iyo hay’yaduhu-ba ay geestoodda idska abaabulaan siddii loo sahalli lahaa xaaldan aadka u adag inta aanay ka siidarin, oo aanay sii kordhin gaadhina heer wax laga qaban kari waayo, ummaduna waa in ay gacan siisaa, maaha in dawaladda baa gacmo weyn uun la yidhaaho oo la eegto masaa’iibtan inaga hor timi, waxan ku soo dabray maqaalkan baryo aan ilaahay ka codsanaayo in uu deg-deg inooga saaro dhibtan abaarta ah iyo macaluusha, waxa kale oo aan ka codsanayaa culimaddu in ay duceeyaan oo roob doon ummadda u hor kacaan, umaduna ay meel ay joogaan-ba rabbi baryaan in uu ka saaro marxaladan oo ay iska dhaafaan waxa aan laaqiga ahayn iyo siyaasdan oo ay u daayaan xukuumadda, waa haddii la rabo in ay wax inaga hadhaan.
* N.B Wadeecadda rabboow naga gaxee waaxid baad tahaye!
   Abdi-Shotaly,
   Oodweynenews.com.