Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 18 May 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
M/weynaha Jabuuti " Waxaan Joognaa Marxalad Dadku Haystaan Maqasyo Ay Ku Kala Gooynayaan Somaaliya
Thursday - Feb 3, 2011
Jabuuti: Madaxweynaha dalka Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa markii u horraysay si rasmi ah daboolka uga qaaday in aanu waxba ka garanayn dawadda lagu xallin karo dhibaatada gaamurtay ee Soomaaliya, isaga oo ku dhawaaqay in xalka qura ee hadda haray yahay kacdoon la mid ah kii ka dhacay dalka Tuunisiya oo dadweynaha Soomaalidu sameeyaan.
Md. Ismaaciil Cumar Geelle oo waraysi shalay la baahiyey 27 January 2011 magaaladda Carta ee dalak Jabuuti ku siiyey wakaaladda wararka Qaramada Midoobay ee IRIN, waxa uu carrabka ku dhuftay in dhibaatadda Soomaaliya lagu xallin karo oo qura kacdoon la mid ah kii xukunka lagaga tuuray madaxweynihii wadanka Tuuniisiya oo dadweynaha Soomaalidu kaga hortagaan kooxaha kala duwan ee ka taliya dalka Soomaaliya.
Wakhti iyo awood badan ayaanu u hurnay sidii Soomaaliya looga saari lahaa xaaladda ay ku jirto, xiligan si daacad ah uma sheegi karo wax aan iraahdo, balse waxaan oran karaa oo qura haddii xal la helo Soomaaliya waxay dib u soo ceshan kartaa sharafteedii iyo karaamadii ay ku dhex lahayd adduunka.
Anigu hadda ma garan karo daawadda xalka Soomaaliya, wax kasta waannu isku daynay, xalka qura ee haray waa kacdoon la mid ah kii Tuuniisiya oo dadweynaha Soomaalidu sameeyaan, waxaanna loo baahan yahay in dadka Soomaalidu ay dadka maamula u sheegaan in ay khaatiyaan ka joogaan oo ay dhaafaan, iyada oo la doonayo inay ku yiraahdaan Idinma doonayno ee na dhaafa.
Marka qof Soomaaliya madaxweyne ka noqdo kooxo kale ayaa oranaya ma doonayno, wayna ka soo horjeedsadaan, sababta qura ee ay uga soo horjeedsanayaana waa shakhsiyaad maslaxadooda gaarka ah ka dhex waayey dawladda, lamana tixgelinayo rabitaanka dadweynaha iyo waxa bulshadu doonaysaba, ayuu yiri madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Madaxaweynaha Jabuuti oo la weydiiyey dedaaladda dheeraadka ee Qaramadda Midoobay iyo beesha caalamku la iman karaan si ay u caawiyaan Soomaaliya, waxa uu ku jawaabay; Waxaynu joognaa marxalad ay dadku haystaan maqasyo ay ku kala googooynayaan dalka Soomaliya, maalin kalena waxaan maqli doonaa dalka Koonfur bari (oo ka madaxbannaan dalka Soomaaliya). Maraykanku waxay ka warameen inay la hadli doonaan maamuladda ka jira Soomaaliya, imikana qofkastaaba xaqiiqada wuu ogyahay.
Waraysiga wakaalada wararka Qaramada Midoobay la yeelatay madaxweynaha Jabuuti Md. Ismaaciil Cumar Geelle, waxa kale oo uu kaga hadlay horumarka dhinaca dhaqaalaha ah ee dalka Jabuuti gaartay iyo caqabadaha ugu adag ee xiligan hortaagan oo uu ku sheegay inay yihiin sidii wax looga qaban lahaa abaaraha xiligan ka jira wadanka Jabuuti.
Waxa kale oo madaxweynah Jabuuti sheegay inuu rajo weyn ka qabo in sida ugu dhakhsaba badan si nabad ah loogu soo afjari doono khilaafka dhinaca xuduuda ah ee u dhexeeya wadanka Eratariya, isaga oo xusay in dalka Qatar uu dhex-dhexaadin ka galay sidii loo xalin lahaa dhibaatadda u dhexaysay laba dal ee Jabuuti iyo Eratariya
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story