Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Sunday, 18 May 2025
Galdogob Times
Menu
Home
Qur'an
Heeso
Gabayo
Contact Us
Raadiyo Khiyaali Oo Wareysi La Yeeshay Madxweynihi Hore Ee Tuunisiya Caabidiin Bin Cali
Monday - Feb 7, 2011
Jiddah
: Walaalayaal Salaan Iyo Marxaba .. waxaa noo suura gashey waraysi dhinacyo badan taabanaya u la yeesho Radio Khiyaali kaasi oo kula kulmey guriga uu hada ka degan yahay magaalada Jiddah ee wadanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, wareysigiina waxa uu u dhacay sidan.
Raadiyo Khiyaali
: Madaxweynihii hore ee Tuunis bal waxaad nooga warantaa xaalkaaga xukunkii intii laga ridey ka dib?
Bin Cal
i: Khuraafaad baad sheegeysaa yaa ku yiri madaxweynihii hore dheh, waan yara nasanyaa madaxweynana anuun-baa ah, shacabka reer Tuunis anaa qaba markaan doona waan ku noqonayaa.
RKH
: Oo Madaxweyne maxaad sidaas u oranaysaa ma shacabka iyo xaaskaagaag isaga kaa khaldamay?
Bin Cali
: Maya waa caadi kaba soo qaad xaaskeyga Layla waxa ay haysataa xoolo ka badan inta reer Tuunis haystaan sida ay doontana waa ka yeeshaa iyaguna waa sidaas oo kale markaa waxba farqi uma dhaxeeyo.
RKH
: Saw taasi ma cadaynayso adiga iyo qoyskaaguba in aad boobteen xoolihii reer Tuunis oo aad ka dhigateen wax aad leedihiin?
Bin Cali
: Beenaale ayaad tahay yaa kugu yiri xoolaan dhacnay kaliya dhawr guri oo yar yar ayaan ka dhisney Woqooyiga, koonfur, Galbeed iyo Bariga maxaa kale oo aan samaynay dadku way iska hadlaan.
RKH
: Waxaad tahay madaxweynaha kaliya ee Carbeed ee wali nool ee la oran karo madaxweynihii hore markaa taasi saw faan kuu noqon mayso adiga?
Bin Cali
: Waar waxaan ku iri nin iska hadlayaad tahay ee anigu madaxweyne ayaan ahay waligiinba meelahaas la meeraysta madaxweynihii hore iyo wax la mid ah.
RKH
: Hadaba ma kuugu yeernaa madaxweynihii la tuurey ilayn waa adigi habeen madow ka cararey wadanka iyo xukunkiiba?
Bin Cali
: Dee aflagaadadiinu waxay gaareysaa meel walba markaa waxaan idin leeyahay xishooda oo wax iskula hara.
RKH
: Hada maxaad qabataa waa adigan degan Qasriga weyn ee quruxda badan?
Bin Cali
: waan cibaadeystaa oo waxaan badiyaa salaada iyo quraan Akhriska wixii aan xumaan sameeyeyna ilaahay ayaan ka rabaa in uu iga cafiyo.
RKH
: Waagii aad madaxweynaha ahayd waxaad la dagaalami jirtey diinta ma hadaad xaga ilaahay Xasuustey?
Bin Cali
: Waxaan rabaa in aan badiyo dikriga iyo Quraanka garkana aan sii daayo oo aan noqdo wali ka mid ah Waliyada ilaahay.
RKH
: Madaxda wadamada carabta ayaa kugu soo xigi oo Xukunka laga tuuri ayaad is leedahay?
Bin Cali
: Aad baryahan ulama socdo wararka iyo dhacdooyinka waxaanse filayaa in Madaxweyne Mubaarak Tareenka kuwa ka dhacay uu hada yahay inkasta oo cirfyada la xajinayo.
RKH
: Maxaad uga jeedaa cirifyada la Xajinayo ayaa ku xajinaya meesha ama kursiga ku haya?
Bin Cali
: Waxaa ku haya oo meesha ha ka tagin leh Mareykanka iyo Yuhuuda oo cabsi badan qaba hadii uu sidaa meesha kaga tago in ay qolooyin aan la rabin xukunka qabsadaan.
RKH
: Sawtan marka ay hadlayaan ku dhawaaqaya waa in isabadal dhacaa miyaanu hadalkooda iyo ficilkoodu is waafaqsanayn?
Bin Cali
: Maya waa munaafiqiin korna waxbay u yiraahdaan hoostna wax kale ayey ka sheegaan markaa wax aad maqlaysaan waxba ha ka dhagaysan.
RKH
: Maxaad adigu madaxda Carabta ee kaa danbaysa kula talin lahayd?
Bin Cali
: Waxaan kula talin lahaa in ay kii lagu kacaaba iskaga cararo xukunka oo meelahaas qaxooti ku noqdo kii la xasuusan waayaana iska sii dhaganaado xukunka oo maalo ilayn bahashu way macan tahaye.
Waxaa Wareysigan khiyaaliga ah isku soo duba Ridey .. Xasan Ciise
Maqaalo Articles
Waa Xaqiiqa Ninba Kadabkii Loo Qoray ILaah Wuu La Kulansine .. Maxaad Ka Ogtahay Mucjisadi U Ku Dhashay Madaxweyne Putin
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Wax Bixinta Ugu Fiican Waa Mida U Qofku Bixiyo Isago Baahan .. Maal-qabeen Bill Gates Ayaa La Weydiiyey Haddi Uu Jiro Qof Isaga Ka Qanisan
Full Story
Ninba Si U Dhimay .. ILaah Wax Aan Aheyn Oo Wax Dili-kara Ma Jiro .. Qisadi Ninki ka badbaaday Rasaasti Araxan-darada Ee Korkiisa Lagu Shaandheeyey .. Meyd Baa Looga Tagay
Full Story
Allahayow Badbaadadaada Ha Ku Xiran Nin Beer Adag Iyo Bahalo Aan Nixin .. Qisadi Tuugi Day-Deyga Lagu Yiqiinay Oo La Arkay Isago Janada Socod Ku Dhex Mushaaxaya
Full Story
Qiso Dhacday Waqtigi Nabi Muuse .. Roob La'aanti Ku Dhacday Reer Bani-israaiil Iyo Sababti Keentay .. Ceebti Eeebe Astuuray
Full Story
Ruuxi Aan Taariikhda Awooyaashis Wax Ka Ogaan Waa Mid Aan Xoolaha Dhaamin .. Weligaa Ma Is Weydiisay Sidee Beesha Leelkase Ku Soo Degeen Galdogob
Full Story
Qiisadi Malabka .. Shiikh Ibn Siiriin: Khasaaraha Dhacay Waxaa ii Keenay Dambi Aan Ciqaabtiisa Sugaayey Muddo 40 Sano
Full Story
Waa Cashar Wacan Oo Lagu Cibrad Qaato.. Nin Lagu Badbaadiyey Qori Kibriid Ah
Full Story
Wax Badan Akhri Wax Badan Ogow .. Waa Qiiso Dhaba .. Waa Qiisadi Iga Oohisay
Full Story
Akhbaarti Nabi Muxamed SCW .. Laba Nin Qadaad-Weyn Xoog Iyo Muruqyo Ku Dhan Oo La Yiri So Qabta Nabi Maxamed SCW Iyo Filan-waagi Ka Hor Yimi
Full Story
ILaalinta Ballantu Waa Masuuliyad Muhim Ah Oo Xisaabtan iyo Is Weydin La imaan-Karta .. Nin Taajira Oo Dayacay Ballanti U Sameeyey Iyo Dhibki U Geystay
Full Story
Xikmadu Waxay Ku Jirta Qofkii ILaahay Caqli Galiyo Ee Garka Weyn Oo Kaliya Kuma Jirto .. Qiiso Dhex Martay Nabi Salemaan CS Iyo Shimbir Iyo Nin Gar-Weyn
Full Story
Gulufki Colaada Sacad Iyo Leelkase Turun-Turootay Ee Sii Tukhaan-Tukhiya .. Leelkase Iyo Sacad Haddey Nabadi Dul Timi .. Bootadi Ahayed: Kaalay Iga Qaad Iyo Ma Adaa Ku Dhaca Fagaara Lagu Bireeyey
Full Story
Xujadi Ugu Adkeyd Ee Nin Soo Marta .. Shiikh Balad Carbeed Oo Gabar Badwiyad Ah Qalbigisa Gashay Xod-Xodo Baas Ku Qabtay Iyo Xujo Adag Oo Ay Hordhigtay.
Full Story
Sheeko Dhaqameed .. Waraabe Baa Laga Sheegay: ILLa Canka Subagu Soo Qubo Ma Qaboobaayo
Full Story
Qaranimadi Somaliya Waxaa Maanta Ku Dikaday Takfi Iyo Kutaan Qol Madow Loogu Xiray .. Iyo Sida Siyad Bare Uga Diiday Shirkadihi Shidaalka Mareykanka In Loo Buuxiyo Doollar Sidi Dooga U Baxa
Full Story
Waa Cibaaro U Baahan In Dib Loo Jaleeco .. Ragi Qooqay Boqor Hayle Selaase Ee Sida Xun U Dhintay
Full Story
Akhbaarti Zamaanki Hore .. Waxshigi-Dugaaga Ee Dilay Xamze Bin Cabdi Mudalib Oo Ka Sheekeeyey Hoogi U Dhigay
Full Story
Waa Sheeko Dhex Martay Nabi Maxamed CSW Iyo Nin Reer Baadiya Ah Oo Yiri: Alle Waan Xisaabin Haddu ii Xisaabiyo Iyo Jawaabti Xag Alle Ka Timi
Full Story
Rabi Wuxuu Yiri: i Barya Waan Idin Dhago-Nuglaane .. Bal Eeg Qisadaan Cajiibka Ah Iyo Sida Eebe U Aqbalay Ducadi Adoonkiisa
Full Story
Qiiso Cajiib Ah .. Nin Gaal Ah Oo U Soo Islaamay Inu Hurdo Helo Kaliya
Full Story
Butin Iyo Gacal Doorashadiisa .. Quruxley Jaaheeda Aan Laga Jeesan-karin Sodon Magac U Qalanta Oo Gashay Qalwadi Valdmir Butin
Full Story
Qiso Cilmi Iyo Xikmad Ku Guda Jirta .. Alle Wuxuu Yiri: Aniga Waxaan Agtiisa Ahay Malaha Adoonkeygu Iga Fillaayo
Full Story
Waa Qiiso Kaa Qoslineysa .. Nin Eygiisa Qabuuraha Islaamka Ku Xabaalay Oo Anshax Xumo Lagu Soo Eedeyey Iyo Qaaligi Maxkamada Oo Sababo Lagu Qoslo Ku Sii Daayey
Full Story
Ninki Raga Madiina Ugu Qurxoona Iyo Wixii Kala Qabsaday Amiirki Cumar Ibnu Khidaab RC
Full Story