Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Jen. Axmed Jilacow Caddow oo la dilay

Friday - October 5, 2007

Waxaa daqiiqado ka hor lagu dilay Isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho Jen. Axmed Jilacow Caddow oo ka tirsanaa Saraakiisha Ciidamadii Soomaaliya.  Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Marxuumka, kuwaasi oo markii ay dilka geysteen kadib baxsaday, waxaana jira warar kale oo

sheegaya in markii Jananka la dilayay uu dhaawac soo gaaray darawalkiisii iyo nin kale oo gaari la saarnaa. Jananka oo dhaawac ahaan loogu qaaday Isbitaalka Keysaney ayaa halkaas ku geeriyooday, sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah wiilashiisa oo lagu magacaabo Jabriil Axmed Jilacow. 

Jananka ayaa dhawaan waxaa loo doortay guddoomiyaha Dallada Ururrada Bulshada Deegaanka Banaadir, iyadoo xafladdii lagu dooranayay oo ka dhacday guri ku yaala Degmada Yaaqshiid-na ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi. Marxuum Jen.Axmed Jilacow Caddow oo la sheego in uu ka tirsanaa Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayaa wuxuu ka mid ahaa Saraakiishii la soo shaqeysay Dowladdii hore ee mudada 21-ka sano ahayd ka talineysay Soomaaliya. 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dilka loo geystay Jananka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta gudaha Suuqa Bakaaraha lagu dilay Shan ruux oo mid ka mid ah uu ahaa Xeer ilaaliye ka tirsanaa Maxkamadda Gobolka Banaadir, kuwaasi oo la sheegay in ay dilkooda ka dambeeyeen Kooxo Bastoolado ku hubeysnaa.

 

source: hiiraan online