Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Xasuus Taariikheed Oo Ileys Weyn Ku Ifisa Xaqiiqooyinka .. Yaa Dilay Cabdirashid Cali Sharmaarke ? Maxaase Loo Dilay

Saturday - June 3, 2017


Leysma weydiin sababta loo dilay inkastoo dilkiisa lala xiriiriyo fawdadi ka dhacday doorashadii diputaatiyaashi baarlamaanka .. Qoraalada qaarkood waxaa lagu sheegayaa in Madaxweynaha loo dilay AANO QABIIL, Sabab kasta halloo dilee waxaa la ogyahay in la dilay 15-kii Ok. 1969-kii saacadu markey aheyd 11 subaxnimo waxaa lagu dilay magaalada Laas Caanood ee Gobolka Sool, hal usbuuc inqilaabkii milatari ka hor, waxaana dilay askari ka tirsanaa ciidanka Booliska, kaa oo dib laga toogtay 10-kii Feb. 1971-kii.

Marka Madaxweynaha la dilayay Ra’isui Wasaare Cigaal wuxuu ku maqnaa Mareykanka .. Dilka madaxweynaha Cabdirashid waxaa ka horeeyey isku day dil oo fashilmay oo Madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharmarka lagu qaaday, iyadoo lagu weeraray Bambo gacmeed agagaarka Garoonka dayaaradaha Md. Adan Cabdulle ee Muqdisho sanadkii 1968.

Guddi loo saaray baaritaankii dilka madaxweynaha waxaa hadalkoodi ugu dambeeysay iyaga oo leh : dilaaga waxaa la yiraa-Saciid Orfano .. laakiin qoraala kale ayey ku qoran tahay in dilaaga oo aad loo cadaadiyay uu yiri: cidina ilama ogeyn .. Dilaaga oo ka mid ahaa dadka dega Isku-shuban nawaaxigeeda halkaa oo ay ka dheceen dagaalo doorasho la xiriiray iyada oo Xaji Ismail Boqor lagu dilay degmada Isku-shuban. 

Cabasha kale ayaa degaankaas ka jirtay oo aheed in 2dii kursi ee degmada Isku-shuban oo cadaalad daro u dhacday lana siiyay laba nin oo isku jufo ah, horana xildhbaana u ahaa. 
Guud ahaan dalka dorasho cadaalad ah kama dhicin waqtigaa. Taa oo lagu eedeeynayay Xisbigii SYL ee xukunka hayay u Xaaji Muse boqor madaxa ka akaa, isla markaana qaraabo la ahaa cabdirashiid. 

Dhinaca kale Qoraaga Aw Jaamac Cumar Ciise buugiisa ( qaran jabkii Soomaaliya) wuxuu ku qoray in
xilligaas siyaasada dalka waxaa hogaaminayey qabiil iyo nin jeclaysi , xidid iyo xigaalo.

Sida u wariyey Aw Jaamac Cumar, Maalmihii Cabdarashiid magaalada Caluula booqashada ku joogay ayaa odoyaal qabiilka Siwaaqroon ah oo dowlada dulmi ka tirsanayey, waxay u sheegen arrimo eed sheegad ah iyo waxqabad la’aan, madaxweynuhu taa ugama garaabin, jawaabtiina waxay noqotay wasiirka arrimaha gudaha ayaan arjigiina u gudbinaya, nin magaciisa la oran jirey Xasan Maxamed Cawad ayaa gabay Haanfiil ah oo uu geerida madaxwaynaha ku Yu’anaayo tiriyey waxuuna yiri:

A) Run ilaah Rashiidoow ma tihid kii ilaah rabaye — Soomaali baad kala rartay oo reerba meel dagaye*.
B)* Rafaad noqotay dunidii markii Ray lagaa dhigaye — kol hadaad Ra’iis sida Jamaal laguugu raacaynin*.
C)* Rucbi kugu dhaca iyo cudur xun oo raarta kula jiifa — Ruush iyo midaan lagu daweyn Rooma iyo Kiinya.*
D)* Kursigoo kula ruxda iyo ciidankoo talada kaa riixda — Rabbi waxaan baryaaya inaadan raagin oo jirine*.

Yu’aashadii ama qumay-nimadii Aw jaamac sheegay ma kuu muuqataa.

Geeridii Madaxweynaha kadib Waxaa la soo jeediyay in si deg deg ah loo doorto madaxweyne .
Qaar badan oo baarlamanka ihi waa diideen xukuumad degdeg ah ayadoo maydkii madaxweeynaha aan weli la aasin, laakin sida qoraalada qaar ay leeyihiin, lacag badan ayaa la bixiyay 17/Octobar/1969, waxaa la go’aamiyay 20kii oktobar marka la aaso madaxweynaha in lagu dawaaqo in Xaaji Muuse Boqor uu yahay madaxweyne subaxa 21/ Octobar 1969ka. laakin isla subaxii waxaa dhashay kacaankii, inkasoo loo digay golihii baarlamaanka in inqilaab ciidan dhacayo haddana toodaa uga muhimsaneed.

hits Hits : 11666