Askari ka Tirsana Ciidanka Canshuuraha iyo Nin ahaan Jiray hoboladi Waabari oo la khaarijiyey
Thursday - March 13, 2008
Muqdisho - Askari ka tirsan ciidanka gobolka iyo nin ka tirsanaan jiray hobaladii Waabari ayaa maanta si kala goon gooni ah ay kooxo hubeysan ugu dileen Magaalada Muqdisho, Askariga la dilay ayaa ka tirsanaa askarta gobolka Dowladda hoose qeybta canshuuraha, waxaana niman bastoolado sitay ay si gaadmo ah ugu dileen degmada Madiina.