Caawa waxaan ka sheekaynayaa sheeko aad u fac wayn oo
salka ku haysa taariikh aad u qoddo dheer. Waa taariikh dahsoon oo Somali
badankeedu aysan ogayn. Waa silsilad soo taxnayd qarniyo badan. Waana taariikh
wiil aabe ka dhaxalay, aabbena aweewe ka dhaxlay.
Sanadihii tegey iyo saanteenii aan dib u raacno, qarniba
qarni aan uga gudubno, dhalashadii Axmed Gurey aan sii dhaafno. Tonabeeyo qarni
ka badan aan saacada dib u celino. Odaygii Daarood ahaa oo nool aan u tango oo
sheekadeenu halkaas ha nooga bilaabato. Odaygii Daarood ahaa wuxuu dhalay shan
wiil. Shantaas wiil kan dhexe waxaa la oran jirey Tanade. Tanade waa ninka ay ka
farcameen Qabiilka Somaliyeed ee la yiraahdo Leelkase.
Waxaa nagu maqaalaa oo tariikh ahaan nagu soo gaadhey in
Tanade uu Abihiis Daarood gacan yare u ahaa, aadna uu ugu dhega nuglaa. Gaboow
iyo geeribaan nina gees marayne, Odaygii Daaarood ahaa wuu jiradey, wuxuuna
garwaaqsaday inuusan aduun soo joogayn. Daarood oo tacnaab ah ayaa Tanade oo ag
fadhiya ku yiri, aabbe anigu aduun waan ka jiitaye waxaan kuu sheegayaa meeshii
aan ku aasay dahabkaygii. Tanade oo ilmaynaaya ayuu Daarood u sheegay kobtii uu
dahabku ku aasnaa. Daaroodna isla saacadii gudaheedii buu xijaabtey.
Tanade oo Daarood maydkisii ku dul ooyaaya ayaa waxaa u
yimid afartii wiil oo walaalihiis ahaa. Aaskii Daarood ka dib ayay afartii wiil
gees ula baxeen Tanade oo waydiiyeen Dardaarinkii odayga iyo dahabkii meesha uu
ku xasaysan yahay. Tanade wuxuu ku jawaabey, Aabbe dahab igalama hadlin. Afartii
wiil marumaysan hadalkaase Tanade way buga-bugeeyeen, warse ka heli waaye.
Markii dambe ayay inta isu qabteen dhinaca dhulka u dhigeen mindina hunguriga ka
saareen, waxayna u sheegin hadii uusan sheegin meesha uu dahabku ku jiro inay
biraynayaan, Tanade wuxuu ku jawaabey DHULOOW DHAXAL.
Afartii wiil halkaas waxaa uga cadaatay in Tanade uusan
sheegaynin meesha dahabku ku aasan yahay. Subag weel ku daatay sina uma xumaane,
waxaa kaloo wiilasha is tustay, dahabku intuu lumi lahaa in ay roontahay in
walaalkood dhaxlo. Waxayna goaan ku gaareen in Tanade aan wax dhaxal ah laga
siin xoolaha intooda kale oo ay afartoodu qaybsadaa. Sidaas bay u sheegeen
Tanade wayna iska sii daayeen.
Muddo ayaa ka soo wareegtey Tanade iyo wiilashii kaleba
waa guursadeen caruur bay dhaleen, inkastoo ay isku degaan ahaayeen hadana way
kala wareegi jireen, Tanadena dahabkii buu hoosta ka dhuuqi jirey. Waxaa dhacday
in Tanade guursadey dumar badan dhalayna caruur aad u badan, caruutiisiina
caruur sii dhashay.
Tanade oo dawayn jira ayaa wuxuu soo gaarey caruurtiisii
iyo caruurtay dhaleen oo boqolaal gaadhey hanti aad u badana yeeshay, ileen waa
dad dahabakii Daarood u dhitaysan yahaye. Markay dadkii bateen ayaa loo baahday
xukun iyo boqortooyo dadka kala hagta, waxaana maal iyo dad badnaan ku qaaday
masuulkaas Tanade warasadiisii.
Amminkaas Somali badankeedu waxay ku noolaayeen Bari,
waxaana ka aasaasantay Bari Boqortooyo Tanade. Boqortooyadaas waxay soo jirtey
mudoo ilaa iyo hada laga joogo todobo boqol oo sano ku dhawaad. Waa
boqortooyadii reebtay maahmaahda ah.
Nin tollwaayey Tanade sheegay oo micnaheedu yahay,
ninku markuu nafta u yaabo oo cadawgii u gacan galo oo uu is yiraahdo maanta
laguma daynaayo, waxa keliya oo uu ku fakan jirey waa inuu yiraahdo Tanadaan
ahay , boqortooyadaas cabsi laga qabo darteed baa ninkaas lagu siidayn jirey.
Boqoradii Tanade kii ugu dambeeyey waxaa lagu sheegaa
magaciisa Diiftire oo uu micnaheedu yahay daaltire. Todoba qarni ku dhawaad ka
hor ayay Somalidii ku hoos noolayd boqortooyada Tanade tashadeen oo duulaan
culus ku qaadeen boqotooyadii, halkaas ayaana lagu laayey kumanaan kun oo Tanade
iyo taageenayaashoodii ah.
Lafihii dadkii la laayey waxaa lagu aasay meel Bari ku taal
oo ilaa hada lagu magacaabo LADIID IYO LAFA TANADE
Kala qaxii dagaalkaas keenay ayay Tanade ku kala yaaceen,
waxayna u kala qaybsameen dhawr qaybood oo kala ah. Korshe iyo Warodhaqo oo u
qaxay xagga Itoobiya iyo inta kale oo somaliya ku kala firirsan. gaar ahaan
Mudug, Bari ilaa iyo Buur-hakaba.
Dagaalkaasi Tanade ama Leelkase wuxuu u noqday tusaale aan
la illoobi karin oo tusay cawaaqib xumada ay leeyihiin amarkutaaglaynta iyo
Alle ka fogaadku. Waxaa u cadaadtay in xoog kasta oo aad leedahay iyo xoolo
kasta oo aad leedahayba maruun taladu kaa liicayso. Waa sida uu Qamaan Bulxan ka
gabyey sheeko la mid ah sheekadaan Tanade, Waana kan gabaygii Talla Aduun.
- Toolmooni hadal waa inuu tol u dhexeeyaaye
- Tuushkii xun iyo wiil yar waa la isla tiirshaaye
- Waa laysku wada tiirsan yahay sida tis oodeede
- Taabbaa la sii furi hadduu kibir ku taabtaaye
- Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tamed aad ah adigoo tagoo faro ku taagaystay
- Tunka yaa kusoo qaban haddaad tered ku xaajooto
- Tarsigii la joogaba haddaad turuqdo kii aad ah
- Mid unbaa tusmada kaa raroo lagugu taagaaye
- Wallee ina raggow tallo adduun taada uun ma aha
- Wiil taaninimo loo qiray oo sida tarmiiggaas ah
- aan lagu tawixin oon lagdini timaha boodhaynin
- Mid unbaa tab kula soo baxoo laga tixraacaaye
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tufta iyo tahliishii wadaad culimo towxiidka
- Tacdaariye haddii awgayow lagugu tiimeeyo
- Mid unbaa tembiih soo dhigtoon tacajib yaabnaaye
- Oo tuug ka dhiga kaan lahayn waa tixdii nabiye
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Haddaad kaligaa inaad taajir tahay tuhunto uurkaaga
- Toodoowga xoolaha ninbaa tulud kusii dheere
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tafa xaydka xaajada haddaad taqasho waayeelka
- Tolkaad riixday aaqibi haddaad yaraha taabsiiso
- Mid unbaa tallahida marooy tiisa noqotaaye
- Wallee ina raggow talo adduun taada uun ma aha
- Tobonkii kob joogtaba haddaad turuqdo kii aad ah
- Kan danbaad signiin tahay inuu kugu tubeeyaaye
- Walle ina raggow talo adduun taada uun ma aha
Tanade waxay u jeesteen xag Ilaahay oo aduun waa ka sii
jeesteen. Waa waxa ilaa iyo hada Somali oo dhan u aaminsan tahay in Leelkase ama
Tanade uusan rabshad jeclayn.
Sheekada waxaan ku soo gebagabaynayaa gabay aan anigu
taariikhdaan ka tirishey.
Gabaga magaciisi waa Taariikh
- Somali xukun bay
turaanturaynaysey, tan iyo waaqeede
- Taliskii yimaadaba maalin
bay, tabcada la helaane
- Taraashkayna ku ridaa waxay,
mudo tabcaysaye
- Boqorkii Diiftire loo
tashaday, todoba qarni hortoode
- Tanaduu ka dhashayoo Somali
baa, taageero u ahaaye
- Aduun buu ku tamashlayn jiroo,
taliye ka ahaaye
- Tiir adag inuu ahaa bay,
suugaantu tebisaaye
- Nin tollwaayaa la oran jirey,
Tanaduu sheegtaaye
- Somali timaha ka badan sow,
galab ku ay tuunsan
- Tobanaan kun bay dileenoo,
togga ku laayeene
- Qalfoofka tuban Bari waa,
taariikh dahsoone
- Ladiid iyo lafa Tanade, sow
taaladoodii maaha?
- Sayidkii tabaarag akhriyey,
Taleex ka soo duulye
- Toobke caana kolkuu dhamoo,
toorayda afaysto
- Tusbax iyo qori asagoo watuu,
Torog halabsan jiraye
- Isticmaarku tubtuu degan
yuhuu, u tafa xaydan jiraye
- Tukasho mooyee ma ledi jirin,
jeeruu gush taaboe
- Koofiloo kibir la
tiictiicayuu, tunka kaga istaagaye
- Hadaysan Somali toosh ku
ifinoo, toogtiisa sheegaynin
- Ingiriis taano kama qaadeen,
Sayidkii toolmoonaaye
- Taaka somaliyeed sow,
daraawiish kuma taqraarmin?
- Tawradii Siyaadee sidii,
todob dii hilaacaysey
- Talantaaliga midii loo wade,
laysugu tahniyadaynaayey
- Ruuxii tadeeda soo qaada
midi, jeelka lagu tuuraatey
- Tixaha macaan midii loo
tirshiyo, tararam lagu hoorsho
- Tannaagda midii loogu
heesiyo, hadal tuurtuurkaa
- Tabaashiirta midi lagu
qoraye, tacliinta noqotay
- Taagtaagsigii hore midi,
teelteelka loo haystey
- reer tiseed qaar bay
turuqday, tiin sidiisiiye
- Tuhunkii Somali galayna,
tiiraanyo wayn reebye
- Tacshiirad roob ka badanaa
tararag laysku siiyaye
- Taah baan weli maqlaaynaa iyo
tolaay joogto ahe
- Tabtii Diiftire iyo Sayidka
sow looguma tubaynin?
- Taako markay harumartaba, dib
bay u tallabsataaye
- Wixii tegey xusuusanmaysiyo,
tawaariikhaheediiye
- Assageed tiigsanmaysoo
tartarka ku qabanmaysoe
- Tumburyay isla dhacdaa iyo,
tib iyo qaarwayne
- Tagoogahaa wada jabanoo, way
wada tukubayaane
- Raboow Somali taakulee, adaa
toosin karayee
Qalinkii. Maxamed Cali Daqle
Hits : 27689