Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Casrigii Nabi Salemaan CS .. Qiso Cajiib Ah oo Dhex Martay Nabiga, Shinbir iyo Nin Gar-weyn

Saturday - January 9, 2016



Bismillahi Raxmani Raxiim. ku soo dhawada Murtidan.
Shinbir ayaa dul yimi Berkad Biyo ah,oo dhalinyaro ka cabayso.naftiisa wuxu u sheegay in uu sugo inta ay ka tegayan Berkada,isago u baqay naftiisa in ay wax yelan sida awgedna uu sugo.wuxu dul heehaababa  way tageen, waxaase markiba bedelay,oo goobti Berkada yimi Nin Gar-weyn.

Shinbirkii waqti badan ayu sugayay,in loga darero Berkada si uu uga cabo.wuxu mardambe istusay in uu ka cabi karo madama Wiilashii dhalinyarada ahaa tageen, oo ninkan garka weyni anu wax yelayn madama u yahay nin Garweyn-leh .. shinbirkii wuu soo degay si uu uga cabo Biyaha.

Ninkii garka-weyna wuxu ku turay dhagax,wuxuna kaga dhacay Isha .. Shinbirkii wuu dulay isgoo ishi balaq tahay, wuxuna u tegay Nebi Suleyman CS oo dacwadisi u soo bandhigay, dabadeed Nebigiina wuxuu amray in loo yeero Ninkii garka-weyna .. Nebigii CS wuxu weydiyay ma adiga shinbirka wax yelay,oo dhagaxa ku dhuftay .. ninkii wuu qirtay in uu wax yeelay Shinbirka.

Shinbirkii wuxu yiri Nebi Allow Ninku wax ima yelin, lakiin Garkiisan weyn aya wax i yelay.

Sheekada murtideeda waxaa weeye, Haddii aad aragtid Nin weyn oo 60 jir ah,oo u bahan in wax lo sheego u sheeg.hadii aad aragtid wiil 15 jir ah oo haya arin macquul ah ka dhegayso kuna dhaqan taladiisa .. xikmadu waxay ku jirta,qofkii ilaahay geliyo ee la dono ee garka weyn oo kaliya kuma jirto

Jiilkan maanta waxan uga digaya,in aan lagu dag-dagin Gar-weyn iyo Reer-Reer qabiil .. waxan idin leyahay dhalinyaroy ka taliya ubadkiin,iyo kuwa aad awoga u tihiin een aan weli dhalan.waxa idinku wajib ah in aad ka fekertaan,Jiilasha Sanad walba inoo tarmaya mustaqbal-kooda dambe .. awoodu waa dhaliyarada oo waa idinka waa shicibka, oo gacmaha aynu isu qabsano, waxaana haboon inaan had iyo jeer xulano shakhsiyaad ku haboon duruufaha iyo xaalada jirta oo dhalinyaradu hormood u tahay

hits Hits : 7477