Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Dhacdo Xili Dheer Ka Soo Wareegtay Oo Mudan In La Xasuusto .. Gabadhi Nabsiga Guratay Ee Taariikhda Reer Yurub Gashay Ee Lagu Toogtay Fagaaraha Roma Kadib Markii .....

Sunday - December 20, 2020



Taariikh Waa Sheeko Iyo Taxane Soo Yiilay .. Waxaa jirtay Gabar gashay taariikhda Yurub oo la oran jiray Juliano Tofana asalkeeda dalka Talyaaniga u dhalatay, taaso oo sabab ay iyadu lahayed awgeed ay naftoodi ku galaafatay goodka Madow lagu midaamiyey 600 nin oo eersaday Naagihi ay qabeen .. Juliano waxay ka ganacsan jirtay Sun qooshan guudka Timir xashan ama Malab lagu dhoobay si aanu u dareemin wax lagu dilo oo ay ugu tala gashay in Naagaha niman-kooda fooda iskula jira ay ku khaarijiyaan.

Waqtigaas waxay ahayed xili dalka Tayaniga diin ahaan shucuub isku wada raacday amase qiil loogu baneystay in Dumarka la cadaadiyo gaar ahaan Naagaha la qabo oo si gaara loo jir-dilo, balse wax aan xarig iyo dil ahayen xal looma aqoon, iyadoo wax xuquuq aysan yeeelan-karin, sidaa daraadeed ciil biirsamay awgeed Juliana waxay ku fakartay Aarsiga Nimanka iyo in marka hore ay ninkeeda tijaabo ahaan suntaas ku baxo, dabadeed markay ku guuleysatay waxay isku qancisay in Suntaan ay u qalanto Nin-kasta oo naagtiisa Tacadi ku sameya, dabadeedna si qarsoodi ah ayey uga iibin jirtay  Naagaha xaga guurka lagu tacadiyo, taaso ay ula jeeday iney dumarka la qabo ee Niman-kooda dulmiya laga kaxeeyo, oo ay marto naxariis iyo neecaawo qabo .. Aanada Dumarka oo weyn markay Ninka sunta siyaan oo nafta la rafanaya ayey indha kulul inta ku fiiriyaan ayey dhahayeen:  Figlio di Cane " Son Of A Dog" .. Miyaan ku nixi, Macmacaanki maantu ka Go'ay .. Oday waad na dhibte Kaarka la jiif .. Ninki oo naftu ka sii khiikh leedahay oo isagana si dirqi ah ku jawaabaya: Jaceyl-keygiyeyAramida ku haysa Aanadaadu weynaa, Yaad ka aarsaneysa Ma nin Aabaha dilay

Nabsigaad Gashaa waa dambe kugu gadootaaye .. Juliano Tafora, waxay Suntaa la wareegtaba waxay markaan Sunti ka iibisay gabar anfariirsan si calaacal ah ugu dan sheegatay oo oohin dhabanada buuxisay dhulka la fariisatay iyado dhaheysa: Ninkeygi ayaa maalin kasta si naxariis dara ah ii dila, dabadeed sidi caadada ahayeyd Naagti oo sunti loo dhiibay Ninkeedi ayey sunti Cuntada ugu dartay, laakiin marku doonay inu cuno ayaa naagtiisi ka joojisay oo tiri war ha cunin, kadibna marku weydiiyey sababta waxay u sheegtay cuntadu iney sumeysan-tahay oo haddu cuno u dhimanaayo .. Ninki waxaa u yeeray Polis oo u sheegay waxa dhacay .. Boliska oo kiiski baaris dheer ku sameeyey waxaa soo baxday qaabka iyo sidey ku dishay 600 oo Nin oo dhamaantood lagu xariiriyey Suntaas ay u qooshtay.

Gunaanadka warkaan iyo Ugu dambeyn, Gabadhi Juliana waxaa lagu soo eedeyey iney Sun ku dishay 600 oo Nin inti u dhaxeysay sanooyinki 1633 illa 1651, waxaana lala qisaasay gabadheeda oo la oran jiray "Girolama Spera" iyo Sadex haween oo arinkaa kala shaqeysay.  


hits Hits : 4666