Jimcaha Iyo Baraarujinta Maanta "Maxa Lala Kulmi Geeri Kadib"
Thursday - July 10, 2008
MAXAA LALA KULMI GEERI KA DIB?.....
Qore: ENG: ABDI KARIM AHMED HUSSEIN [email protected]
Dhamaantiin salaamu calaykum wa raxmatulaaha.
Waa mawduuc runtii loo baahan yahay in laga hadlo.
NAFTII WANAAGSANEED
Qof kasta oo innaga inaga mid ahi wuu dhimanayaa qof kasta oo innaga inaga mid ahi waa kii mawdka dhadhamiya.
Balse nabigu wuu dardaarmay CSW wuxuuna ku dardaarmay "war badiya sheegitaankiisa ama xasuustiisa midka macaani oo dhan dumiya had iyo jeeraale" midk aduunyada dadka ka quusinaya oo qofkaan maalkiisi dareensiinaya kaa xusuustiisa badiya WAANA MAWDAK .
Nabiga CSW waxa uu isagu nugula dardaarmayo iyo waxa aynu innagu ku dhaqmaynaa waa laba aad iyo aad u kala fog. Marka qofku hadii uu aakhiro xasuusto aduunyadu way la yaraataa haduu aakhiro iloobana aduunyadu way la waynaataa hadii uu qofkii ajelkiisi uu dhamaado wakhtigii ilaahay u qoray cimrigiisi u dhamaado .