Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Qiso Gaaban Oo Ku Cibri Qaadasho Mudan .. Ciyaalka Ha La Baro Diintooda Si Ay U Badbaadaan Aakhiro Iyo Aduun Balse Idin Eersan

Thursday - December 15, 2022



Nin odey ah oo meel ku ooynaaya ayaa u yimid nin socota ah wuxuuna waydiiyey oo yiri Oday maxaad la oyneysaa oo kugu dhacay ? Odeygii aya jawaabey oo yiri "Waxaan lahaa wiil oo aan aad u jeclaa, waxaan jeclaa inuu noqdo aqoon-yahan, sidaa darteed waxaan barey aqoon sareysa, waana ku dadaaley si aan loogu dadaalin qof ficiis ah illa aan ka dhigey aqoon-yahan weyn, hasa-yeeshe Nasiib daro waxaa ku soo booday xanuun oo markii isbitaalkii la dhigey ayaa Takhtarkii ii sheegeen in wiikeygu ku jiro saacadahii ugu dambeesey ee noloshiisa .. aad baan uga murgey ayuu yiri 

Kadib wiilkeygii ayaa igu yiri "Aabe!  ii keen shahaadooyinkeygii oo dhan" markaas baan u keeney shahaadooyin-kiisii, dabadeed wiilki intuu xageyga u soo jaleecay ayuu igu yiri: "Aabbe waa kuwan shahaadooyinkeygii si fiican ayaad wax ii soo bartey ee thank you, laakiin Aabe nasiib daro ima aadan barin hal erey oo Qu’raan ah ee Sideen u hor istaagaa Rabbigeyga ? 

Odaygi oo ereyga su'aashaas wiilkiisa saameyn weyn ku yeeshay waa u ilmeeyey oo ilaa maanta oo marku xasuustaba ilmeynaaya, waxaa markasta u muuqda wiilki oo ku geeriyoodey hortiisa iyo ereyadi ugu dambeeyey oo u aabe ku la hadlay!! ..  Subxaana-laahi!!  Akhristow Ciyaalka hala baro diintooda, si ay u badbaadaan Aakhiro iyo Aduun, adigana kuu anfacaan!!