Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Eeg Sida Loo Kala Caqli Badan-yahay .. Sheeko Dhex Martay Dameer Iyo Dibi

Thursday - December 22, 2022




Reer ayaa waxaa ay haysan jireen Dibbi iyo Dameer labadaas ayay ku shaqaysan jireen hase-ahaatee labada xawiyaan waxay inta badan isticmaali jireen dibbiga isaga ayaa la rari jiray 6 maalin halka maalinka jimcaha dameerka la isticmaali jiray.

Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dibigii u yimid Dameerkii wuxuuna ku yiri "War Saaxiib sidii la ii rarayey waan daalay adigana Hal maalin kaliya aya lagugu shaqeeya ee bal talo isii aan uga baxo dhibkan.

Dameerkii ayaa yiri waxaan ku siinayaa Talo Wangsan waxaad samaysaa Caawa cashada markii naloo keeno ha cunin ka seexo wax xanuunsan iska dhig kadib berri markii la gaaro Halla arko inaadan xalay cashayn oo aad xanuunsan tahay.

Dibbigii ayaa qaatay taladii oo sidii sameeyey kadib subaxdii markii la gaaray ayaa la arkay in Dibbiga uusan xalay cashayn oo uu xanuunsan yahay reerkii ayaa yiri dameerka ha la soo saaro ha halagu shaqeeyo madama Dibbiga xanuunsan yahay. 

Dhawr maalmood kadib Dameerkii ayaa dareemay culeys iyo daal wuxuuna go'aansaday inuu Dibbiga Dib ugu soo celiyo shaqada in badan oo uu fikiray kadib wuxuu helay qorshe macaan kadib ayuu u yimid Dibbigii wuxuuna ku yiri: War saxiib maanta akhbaar laga naxo baan kuu wadaa maanta markii aan suuqa joogay ee la i rarayay Ayaan odayga guriga ka maqlay isagoo nin ku leh Dibbigii wuu xanuunsaday ma shaqayn karo sidaa darteed waan qalanaynaa, marka saxiib intaan lagu qalan beri shaqada diyaar u noqo caawa si wacan u cashee isku darso cashadayda iyo taada.

Dibbigii intuu ka baqayay qalliin ayuuba subaxdii Ready noqday oo la arkay isagoo xayyi ah awoodna ka muuqato .. dameerkiina sidii ayuu ku soo ceshtay nasiinadiisii?