Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Saturday, 20 April 2024

Ninki Uurka Daba ILaah Baa Arka Ninkii Isha Dabana Aadamiga Arka .. Sheeko Wiil Iyo Gabar La Isu Diiday Iyo Wixii Dhacay

Sunday - January 8, 2023



Wiil iyo Gabar ayaa si aad iyo aada isu jeclaa. muddo markay wada socdeen waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan balse ma daama wiilku ka soo jeeday qoys faqiira, gabadhana reer hodana ka tirsaneyd waa la isu diiday, lagana hor istaagay guurki .. labadaan jaceyl maadaama ay filimaan Jaceyl wax badan daawadeen ayna rumeysteen, waxay go’aansadeen inay Buur dheer iska soo tuuraan oo hal mar isla dhintaan! ( shaqo hindi-hindi)

Dabadeed kolki ay Buurti dusheeda yimaadeen ayay ku heshiiyeen iney tirsi 1, 2, 3 ka dibna ay wada boodaan .. Markay tiriyeen ayaa Wiilki keliya booday, Gabadhina go’aansatay inaysan boodin, hasa-ahaate Toban ilbiriqsi ka dib ayuu Wiilki la soo baxay Baarashuud u qarsoonaa ka dibna si tartiib ah dhulki ugu degtay!

Haddaba, Akhristow yaa wax Khiyaamay labadooda?