Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Wednesday, 24 April 2024

Xaglo Laaban Xoolo Kuma Yimaadaan .. Wasiir Fardoosa Cisman Oo Dalkeedi Ku Hogaamineysa Jidki Horumarka .. Heshiis Cusub Casri Ah La Gashay Itoobiya

Tuesday - January 10, 2023



Adis-Ababa -Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Wasiir Fardowsa Cismaan Cigaal iyo dhigeeda dalka Itoobiya, Marwo Dagmawit Moges ayaa goobjoog u ahaa munaasabad ka dhacday Addis Ababa oo lagu kala saxiixay heshiis lagu jaan-qaadaayo waqtigan la joogo, iyadoo lagu sameeyay isbeddelo lagu horumarinayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada.

Labada dhinac ee Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta heshiiska adeega Hawada (ASA) ee labada dal ku kala saxiixday magaalada Addis Ababa .. Heshiiskan ay labada kala saxiixdeen ayaa waxa lagu sameeyay dib u habeyn, kaasi oo la dhaqan-geliyay 3-dii December 1988-kii.

Wasiirada gaadiidka iyo duulista hawada Dawlada Fedaraalka Fardoosa Cismaan oo halkaas hadal ka jeedisay ayaa tiri "Heshiiskan 1988 ayaa horay loo saxiixay, maadaama 35 sanno ay ka soo wareegatay waxaan u baahanahay in aan helno heshiis casri ah oo la jaanqadi-kara Qarnigaan la joogo" Waxay hadalkeeda sii raacisay “Heshiiskan wuxuu horumarinayaa iskaashigeena iyo khibrad wadaaga dhinacyada Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya.”

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo labada dhinac ay hore iskula qaateen sidii looga wada-shaqayn lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo danaha labada dawladood.