Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Barbaarta Dhulbahante Oo Taariikh Gu'weyn Dhigay .. Horgaladi Dhulbahante Oo Weli Bambadi Siyasadeed Ee Loo Soo Dhibay Biinka Ka Furi Kari La' .. S/Land Oo Dhambaal Danaba Kaga Digtay Shirka Garadada

Saturday - January 21, 2023



Inkasto bulshada Laascaanood xaaladeeda ay u egtahay mid xoog-xoog iyo is boox-boox guux iyo reen ka baxaayo dhoosha laga cartamaayo, ayaa haddana u muuqata mid qaxar iyo qalalaase ila xad si guud u degan, wallow ay jiraan dhaq-dhaqaayo heshiisin oo ay wadaan horgalada la duufsaday ee Dhulbahante kuwaaso Bambadi siyaasadeed ee loo soo dhibay illa hadda weli furi kari la', waxaase garab socda siyaasado xirir la leh kacdoonkii ay dhowaan sameeyeen shacbiga Magaalada Laascaanood oo ka dhiidhiyey nolol aan xarago wadan

Garaadada u dhashay gobolka Sool ayaa la filayay in shir ay dhowaan ku baaqeen guddida la baxay Khusuusiga ee dadka deegaanku uga furmo magaalada, balse weli waxa aan soo gaarin Magaalada Madax-dhaqameed muhiim ah oo la filayay inay ka qayb-galaan shirkaa .. Qosol wuxuu ka jooga Bayaanka ay soo saari-doonaan iyo qubanaha dambeeya .. Dhulbahante waa la dhawraya waa laga dhursugaya oo waa la kala ogaan Geri iyo hadey Aar yihiin 

Dhinaca kale, wasiiro ka soo jeeda dhinaca Somaliland ee ku sugan Laascaanood, ayaa soo saaray go’aamo ay kaga hadlayaan shuruudo ay sheegeen in ay ku xiran yihiin cidda ka qaybgelaysa shirkaa garaadada.

Hadaba Go’aamada ay soo saareen xubnaha wasiirada oo uu madasha ka akhriyay Wasiirka Arrimaha Guddaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo sheegay in xukuumad ahaan ay soo dhawaynayaan shirka ay ku baaqeen Garaadada, Odayaasha iyo waxgaradka Sool, balse wuxuu sheegay in aannay marnaba aqbalayn in shir sida uu sheegay kasoo horjeeda qaranimada Somaliland lagu qabto Laascaanood .. Sidoo kale, wuxuu ku sheegay go’aanka ay soo saareen in siyaasiyiin iyo shaqsiyaad aaminsan siyaasado kale aysan ka qaybgali-karin shirkaa.