Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Bahal Hoose Halaq Baas Ina Gelle Jabuuti Oo Hargeysa Ku Daabulaaya "Kaare, Birigaano, Boobe Ololaaya Iyo Baaruud Wax Buufisa" .. Ciidamadi SSC Oo Bilaabay Taatikada Loo Yaqaan "Barqo Weerar"

Sunday - Feb 12, 2023





ILo Sirdoon lagu kalsoon-yahay ayaa xaqiijiyay in Dawladda Jabuuti ay saacadihii la soo dhaafay u soo daabuleysay maamulka Somaliland Saanad milateri oo ay ku jiraan Beebayaal, Boobayaal, Shakado Rasaas iyo Kaare si ay uga caawiso duullaanka ciidamada maamulkaas ku qaadeen xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, Hasa yeeshe Halowga iyo Taararku hirarka dhaadheer waxay soo tabiyeen maleeshiyaadki dibinta ruugaaya ee SSC ayaa wixii Agab la soo dhibeyba Baduug ka dhigeen .. Korneyl Bixi oo murug soo food saartay isku buuqsan ital-daro iyo bariiqasho awgeed waxaa markaan Tol iyo Af-celin u noqday Geellaha Jabuuti .. Nin qabyaalad heensaday guul ma haybsado

Muuqaallo la soo duubay oo nasoo gaaray ayaa muujinaya in iyagana ilaa 10 ka mid ah gaadiidka ciidamada Jabuuti ay kasoo daabuleen keydka hubka ciidamada ee dalkaas saanad isugu jirta hub iyo rasaas, ay qeyb ka yihiin madaafiicda culus, kadib amar ka soo baxay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle .. Muuqaalkan ayaa looga qaaday goob ay ku sugnaayeen Kaarayashaas oo ku beegan aaga Laascaanood

Geelle iyo xubno ka mid ah qoyskiisa oo kulan la qaatay wafti ka socda Madaxweyne Biixi-ga Somaliland ayaa isla meel dhigay in Jabuuti siiso saanad ciidan, maadama culeys dagaal oo weyn ay kala kulmayaan ciidamada deegaanka SSC, kuwaaso laga cabsi qabo mar un sidi Aar libax iney ooda soo jabiyaan

Sida la xaqiijiyay Geellaha Jabuuti ayaa sidoo kale u ballan-qaaday maamulka Muuse Biixi in ay kala shaqeyn doonaan fududeynta culeyska ay kala kulmayaan Dublamaasiyiinta caalamka ee ku sugan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kuwaas oo Biixi u sheegay in uu dambiyo dagaal ku galay Laascaanood kadib wadahadal habeeno ka hor ay kula yeesheen khadka taleefanka.

Hoggaamiyaha mudada dheer heysta dalka yar ee Jabuuti, ayaa dhowaan hor istaagay in Urur-gobaleedka IGAD uu go’aan adag kasoo saaro xiisada Laascaanood, ayaa waday maalmihii la soo dhaafay qorshayaal lagu hagar-daameynayo bulshada SSC. Waxaa jira cadeymo muujinaya in hubka Somaliland u adeegsanayso dagaalka Laascaanood ay bixisay Jabuuti intii ay jirtay xaalada kacdoon ee bulshada magaaladaas.

Tani, waxay sii bidhaaminaysaa shakigii horey looga muujiyey in Madaxweyne Geelle si cad ugu lug leeyahay colaada gobalka Sool .. mucaaradka Jabuuti ayaa dhawaan cadeeyey in Geelle cadeystay taageerida Somaliland ee dagaalkan.