Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Meel U Libax Taagn-yahay Weer Ma Soo Maro ..Geesigi Tilmanaa Taliye Cabdi Madobe Boobe La Ordaaya Oo Guul U Soo Hoyatay..SNM Hoog Wuxuu Ku Dhacay Kolki Looga Caalwaayey Darawishti Ingris Ka Soo Cara..

Wednesday - Feb 15, 2023





Taliyaha ciidamada SSC, Cabdirashiid Xuseen Cali (Cabdi Madoobe) ayaa sheegay in aysan jirin argagixiso aan aheyn maamulka Somaliland, ee duullaanka ku qaaday xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Wareysi uu siiyay Gaylan Media, ayuu Taliye Cabdi Madoobe ku sheegay in eedeynta Somaliland u jeedisay ee ah in uu yahay sarkaal katirsan Al-Shabaab ay tahay mid ay ku dooneyso in ay ku dhibaateyso shacabka Laascaanood.

“Eedeeynta maamulka Muuse Biixi waa eedeeyn ay doonayaan in dadka deegaanka u dhashay ay taxaluf ugu raadsadaan, ciidamada jabhadda SSC waa la yaqaanaa, shaqsiyaadka hoggaanka u ah baa la yaqaanaa, aasaaskoodii baa la yaqaanaa, cida maalgelisaa la yaqaanaa, waa wax dadku leeyihiin wax mugdi ku jirana ma aha” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada SSC.

“Qadiyada argagixisada ee maamulka Somaliland kusoo celceliyaan waa garan kartaa bulshada Soomaaliyeed, argagixisadu cida ay ka soo bilaabato ama ay ku dhamaanayso iyaga weeye.”

Maamulka Somaliland ayuu ku eedeeyay in markii ay ku guuldareysteen in ciidan ahaan ay u soo weeraraan Laascaanood, ay madaafiic la dhaceen dadka rayidka ah, isbitaalada iyo masaajidada magaalada. Taasna ay sababtay in khasaaraha uu u bato shacabka aan dagaalka ku jirin.

"Waxyeeladu xaga ciidamada kuma badna laakiin xaga shacabka yay ku badan tahay, nimanka waxay u aaba-yeeleen ama ay ixtiraameen ma jiro aslanba. Halganka maanta soconayana waa kii lagu go’aamin lahaa masiirka umadda goballada u dhalatay iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed.”