Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 28 March 2024

Jimce Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Ramadaan Waa Bisha Sagaalaad Ee Tirsiga Taariikhda Islaamka Ee Sidee Ayaan U Soo Dhaweynaa

Thursday - Feb 16, 2023




Xiliga aan qorayo maqaalkan waa: RAJAB/19/1444- oo Ramadaan waa ay soo dhawaatay marka ay Ramadaan soo dhawaato dadku waa ay diyaar garoobaan .. Ramadaan waa Bisha Guusha muslimka, uu ka Guulaysto Shaydaanka, iyo Nafta xumaan farista badan oo uu is daynkaro Caadioyinka xunxun oo uu samaysan karo caadooyin wanaagsan.

Haddaba su’aasha hadda taagani waxay tahay: Ma ku fekertay Ramadaanta sanadkan in ay kaaga duwanaato kuwii hore oo aad is badal dhaba samayso, diyaar maw tahay inaad Qodobadan ku Qaabisho Ramadaankaan.

Marka Kowaad : Tawbada in aad ugu diyaar garawdid Ramadaan Tawbo dhab ah iyadoo Tawbdu mar kasta waajib tahay hadana marka ay Ramadaan soo galeyso waa ay siifiican tahay .. Ka tawbad keen danbiyada adiga iyo Rabigaa idiin dhexeeya,ka tawbad keen xuquuqda adiga Iyo dadka kale idiin dhexaysa.

Marka Labaad: Duacada: "Waxa la sheegaa in dadkii wanaagsanaa ee inaga horeeyay in ay Lixda bilood ee hore ee sanadka ay Allah ka baryi jireen in Allah ka aqbalo camaladii wanaagsanaa ee ay sameeyeen, Lixda danbana in Allah ka baryi jireen in uu Allah gaarsiiyo Ramadaan" Allah hana gaarsiiyo. 

Marka Sadexaad: Farxad:in aad ku faraxdo in Ramadaan soo dhawaatay oo aad Allah ka barido in uu ku gaarsiiyo,Waayo Ramadaan waa madal kheyr badan waalo waxa ku jira habeen ka fadli badan kun bilood, Iridaha Janada ayaa la furaa kuwa Naartana waa la xidhaa.