Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Iminka Waa Mahad Eebe .. Garaadada Dadkood Ku Dhex Leh Sumcad Sharaf Iyo Karamo Ee Maxaad Ka Taqaan 4 Garaad Ee Hogaamiya Shacabka SSC-Khatumo

Friday - Feb 17, 2023

Boqoradi Ugaasyadi Garaadadi amase Suldaamadi hore, waxay ahaan jireen kuwa matala Gayiga ay matalaan aan aagiisa looga soo wareegin shakhsi kalana su doono ka yeelin geyigooda .. waxay ahaayeen kuwa sumcad, Sharaf iyo karaamo ku dhex leh dadka ay matalaan .. waxay ahaayeen kuwo marki la arko fadhiga looga kaco, waxay ahaayeen kuwa cadaalad ku maamula dadka ay matalaan

Kuwa Maanta Jooga : Waxaa Dadki boqor iyo suldaamadi u noqday Dad aan sumcadooda aan dan ka lahayen, waxay noqdeen kuwa la maamulo oo kolba Wiil yar oo kuray ahi u yeerto, waxay noqdeen kuwa ka amar-qaata kolba kii meesha ugu yimaada una naageeya .. waxay noqdeen kuwa aan Shilin la amaahin hadey si kasta suuqa u wareegaan
------------------------------------------------------------------------
Golaha dhaqanka SSC waa14 xubnood oo isugu jira sagaal Garaad, Hal Boqor, 2 suldaan iyo 2 Ugaas,Waxayna u badan yihiin Aqoonyahano Shahaadooyin Jaamacadeed haysta .

Waxaa jira dhowr Garaad oo hormuud u ah dadka deegaanka kuwaas oo darajo ahaan kala sarreeya, dhamaantoodna waxa ay qeyb ka yihiin dagaalkii Laascaanood ka socday maalmihii la soo dhaafay.

Afartan Garaad ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu saameynta badan bulshada deegaanada SSC ee ka soo hor jeeda Somaliland:

1-Garaad Jaamac Garaad Cali Garaad Jaamac .. Waa Garaadka ugu darajada sarreeya, uguna saameynta weyn bulshada deegaanka iyo dhaqanka-ba,Waana isimka ugu tirsiga dheer dhanka saldanada dhaqanka Soomaaliyeed .

Garaad Jaaamac, Garaad Cali, Garaad Jaamac, Garaad Cali, Garaad Maxamed. ayaa hadda ah hoggaanka dhaqanka ee ugu sarreeya garaadda golaha, isagoo shir-guddoomiya kulamadooda.

Garaad Jaamac Garaad Cali waxa uu magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ku dhashay sanadkii 1974,Wuxuu Haystaa Shahaada PHD,Wuxuuna ka qaatay Jaamacada OXFORD.

Waxa uu sanadkii 2006 garaad-nimada ka dhaxlay adeerkiis Garaad Cabdiqani Garaad Jaamac oo ku sime ahaa, isla sannadkaas ayaana loo caleema saaray.

Garaad Jaamac Wuxuu ku abtirsada Saldanad facweyn oo in ka ka badan 19 garaad, oo ay 16 ka mid ahi ay is dhaleen, waxa uu aabihii Garaad Cali geeriyooday bilowgii 1985-kii, isaga oo markaas 15 jir ahaa oo aan weli gaarin da’da uu xilka uga dhaxli karo .. Garaad Cabdiqani oo ah Garaadka dhintay walaalkiis ayaa bishii May ee 1985-kii la caleemasaaray.

Garaad Jaaamac, Garaad Cali, Garaad Jaamac, Garaad Cali, Garaad Maxamed, waxa uu hadda deggan yahay guri uu ku leeyahay magaalada Laascaanood,oo uu 15 sano ka maqnaa .

2-Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed: Waa garaadka labaad ee ugu sarreeya garaaddada gobolka, waxa uuna hoggaanka hayaa marka uusan joogin Garaadka guud garaad jaamac garaad cali .Waxa uu ku abtirsadaa ilaa 8 garaad oo uu ka soo jeedo .. Garaad Cabdullaahi Garaad Saleebaan waxa uu dhashay sanadkii 1969. Aabihiis oo ahaa garaad magac weyn lahaa ayaa geeriyooday dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay .. Intii ay socdeen rabshadaha Laascaanood ayaa loo gartay in uu noqdo garaadka.

In muddo ah ayu u ku howlanaa xallinta xiisad socotay tan iyo 2012-kii oo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof. Waxa uu dhibaatadaas soo afjaray isagoo aan weli loo caleema saarin garaadnimada.
Dhawaan ayaa la filayaa in la caleema saaro Garaad Cabdullaahi si uu rasmi ahaan ula wareego xilkii aabihiis.