Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

Sheeko La Yaab Iyo Qosol .. Waa Sheeko Sarbeeb-Afgarasho Oo La Xariirta " Shukansi-Land"

Wednesday - Feb 22, 2023




Gabar iibisa kutubada ayaa waxay aragtay saaxib-keeda oo dhankeeda u soo socda, Xilligaana Aabaheeda wuxuu ahaa mid taagan meel iyada u dhaw .. Gabadhi si ay ugu baaqdo saaxiibkeed waxay ku tiri "Miyaad u timid in aad qaadato kutubkii uu cinwaankiisu ahaa (IS FATHER AT HOME "Aabuhu guriga miyuu joogaa" oo uu qoray Qoraagii jarmalka ahaa (shakespear.)

Wiilki oo gartay baaqa gabdha ayaa yiri: Maya waxaan u' imid in aan qaato kutubkii cinwaan-kiisu uu ahaa "WHERE SHOULD I SEE YOU " halkee ku haboon in aan kuugu arko" oo uu qoray qoraagii Ingiriiska ahaa (Thomas hernaner).

Gabadhi ayaa jawaabtey oo tiri: kutubkaa ma hayo laakiin waxaad halaysaa kutubka uu cinwaankiisu yahay (UNDER THE MANGO TREE " Geedka canbaha hoostiisa" oo uu qoray qoraagii Americanka ahaa (Patrice Olver.)

Wiilka ayaa yiri: waad mahadsantahy, laakin ma'awoodaa in aad bari schoolka igu keento kutubka cinwaankiisu yahay "I WILL CALL YOU IN 10 MINUTES" 10 daqiiqo gudaheeda ayaan kula soo xiriirayaa  uu qoray qoraagii Belgianka ahaa (jonh Bernar).

Gabadhi ayaa u jawaab celisay: Haa si ay farxad ku jirto waa diyaar laakin ha'ilaabin in aad ii keento kitaabka "I WILL NEVER LET YOU DOWN"  Marnaba kuma hoojindoono oo uu qoray qoraagii Frenchiga ahaa (Michel Daniel.)

Aabihii oo dhagta u taagneyd ayaa yiri "Ciwaanada soo ma farabadna kuligooda miyuu aqrinayaa?"

Gabadhi baa tiri: haa Aabe asaga waa aqriye wanaagsan wax aqrintana aad ugu dheereeya.

Aaabihii ayaa yiri "Waad mahadsantahy gabadhaydiyay waan fahmay laakin sidoo kale waa in uu aqriyaa wiilka kutubka "I'M NOT STUPID , I UNDERSTAND EVERY THING" Aniga ma'ahi dabaal wax-kasta waan fahamay oo uu qoray qoraagii Holandiga ahaa (Frank martizen)
Sidoo kale gabadhaydiyee adigana waa in aad aqridaa kutubkii aan kuu keenay ee saarnaa miiska dushiisa cinwaan-kiisu uu ahaa "GET READY TO MARRY TOMORROW FROM YOUR COUSIN"  Bari ahaaw mid udiyaar ah guurka ina adeerkaada) uu qoray qoraaga Russianka ahaa (maurice henry)

Waa sheeko afgarasho ka hadlayso gaar aahaan reer shukaansi-land ee wax ka fahma sheekadaan casharna ka barta.