Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Tuesday, 23 April 2024

Jimca Wanaagsan Jimca Barakeysan .. Sheeko Layaab Leh Oo Lagu Cibro Qaato

Thursday - Feb 23, 2023





Waxaa jiray nin dhalinyaro ah oo ka shaqeeya shirkad Shidaal oo cidlada saxara ah ku taalay .. Wiilkaas hooyadiisna waxay ahayd bukaan la nool cudurka kansarka oo aan laga bogsan karin, sida dhakhaatiirtu sheegeen intii ay ku jirtay cisbitaalka iyada oo geerida sugaysa
Maalin maalmaha ka mid ah ninkii dhalinyarada ahaa ayaa u diyaar garoobay inuu shaqada ka rawaxo. markuu rawaxay ayaa isagoo cidlada saxara ah socda wuxuu arkay Eey ooman oo harraad ba'ani ka muuqdo wuxuu watay dhalo biyo ah wuuna ka waraabiyay Eygii oo biyihii cabaya ayuu ka tagay, wuxuuna tagay gurigisi

maalintii ku xigtayna wuxuu soo qaaday xoogaa cunto ah iyo biyo si uu hadii markale la kulmo Eeyga u siiyo dedna wuxuu soo gaaray goobtii uu shalay Eyga ku warabiyay dedna wuu fariistay isla goobtii nusa saac .. Kadibna Wuxuu arkay Mas soo socda oo biyaha fiirinaya, markaasuu biyihii hor dhigay wuuna ka dhaqaaqay isagoo ka baqaya Abeesada, Maskiina wuu cabay biyihii ka dibna wuu iska tagay goobtii.

Muddo ka dib Eygii baa yimid dedna hortiisa ayuu dhigay cunto iyo cabitaan, wuuna cunay oo cabbay, ka dibna wuu iska tegey, markaa ninkii dhallinyarada ahaa wuu ku farxay arrintaas oo wuxuu go'aansaday inuu sidaa yeelo maalin kasta ilaahay dartiis u warabiyo dedna maalinba maalinta ka dambaysa tiradii Xayawanka u soo biya doonta way bateen, markaa waxay noqdeen Eey iyo xoogaa Bisado ah, sidaa darteed ninkii dhalinyarada ahaa wuxuu ku soo qaday weel weyn biyihii, shimbiraha qaar sidoo kale waxay goobta u yimaadeen inay wax cabbaan, kana cunaan , 

dedna intuu xaalada ku jiray, wuxuu xusuustaa hooyadiis oo buktay, markaasuu maalin malnaha kamida madaxiisa cirka kor u taagay oo yiri, "Allahayow hooyaday bogsii, ka dib wuu kacay tagay .. maalintii ku xigtayna ayaa isago Xayawankii waraabinaya wuxuu maqlay dhawaqa taleefankiisa, dedna wuu qabtay, saa cida soo wacaysaaba waa dhakhtarkii cisbitaalka ay hooyadiis taalay dedna dhakhtarkii ayaa ku yiri, Kaalay hada waan ku doonaynaa sidaas darteed markiiba telefoonkii buu dhigay oo fasax ka codsaday shaqadiisa isla markaana degdeg ugu cararay cisbitaalka, wadada intuu sii socday indhihiis Waxaa ka socday ilmo isagoo u malaynaya inay hooyadiis dhimatay 

Markii uu galay qolkeeda isbitaalka, wuxuu helay hooyadiisi xanuunsanaysay iyada oo cagaheeda ku taagan oo shandadeeda diyaarinaysa. inay ka baxo isbitaalka, dedna dhaqtarki ayu u yeeray oo uu waydiiyo waxa dhacay wuxuu u sheegay wax yaab leh oo dhacay, hooyadaa ayaada oo huruday Shalay, unbay soo toostay ayadoo fay ah oo ay i soo wacday oo ay igu tiri waxaan dareemayaa fiicnaan waxayna dooneysaa inay ka baxdo isbitaalka, waaxaana mariyay baaritaanadii wayna bogsatay oo xataa jirkeedii, ma aanan ka helin raadadkii cudurka halista ahaa ee kansarka ahaa.

Marka wiilkii wuxuu u tagay hooyadiis oo uu Ka dhunkaday wajiga iyo laabda gacmood isaga oo ay ka socoto ilmi farxad darteed .. hooyadina waxay ku tiri hooyo Shalay waxan arkay arin la yaab leh, aniga oo hurda, kadib waxaan Riyo ku arkay adiga oo madaxa iyo labda gacmood kor u qaadaya , oo aad aniga ii ducaynayso hareerahaagana ay joogaan Eey, Bisado, Masas, iyo Shimbiro ay leeyihiin Aammiin, markaasuu wiilkii wuu ooyay oo yiri, Waan ogahay in Ilaah wax walba karo awoodo.