Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Dhagarta Iyo Dacaayada Taxan Taraawiixda La Moodaayo Ee Xaajo Niman Ogeyn Baa Indhaha Ka Rida .. Somaaliyey Man Hubino Waxa Laga Sheegaayo Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle Aan Macquulka Ahayen

Friday - Feb 24, 2023



Si Taariikhda duuga ah dib loogu xasuusto, waxaa la xusaya in iyado Mogdisho la isku qalanaayo .. iyado Somaliya Naf Ka Dhawr ah oo xaalkeedu ahaa ma ka baxday ma ku jirta, oo meel-kasta ay ka jirtay burcad Qabyaalad, sharci daro, is nicid, kala daadasho iyo buuq gaarsiisana heer hubeysan. isla markaana Somaliya cid walba u jabtay iyado wixii Dhaqan xumooyin oo dhan guul iyo ilbaxnimo la mooday illa la noqday dad-qalato illa la yiraahdo Dadka Eebe dunida ku Uumay Somalida waa kuwa ugu Cawaansan amase ugu Gun-san .. dulmi iyo gardaro ayaa lagu hoobanaayey, oo bulshadi Dooni bad-weyn kula sabeyneysay iyado hadba mawjado kolba dhinac u kaxey-sanayeen meeliba meeshay ka si xumeyd bey mawjadu ku sii tuurta, Cida qura ee xiligaas hadal-keeda la dhageysan-jiray waa cida Qabilnimo wax iskaga celisa, arintaaso dacal ka dacal bulshadi somali saameeysay oo waxay noqdeen kuwa sheydaan Af duubay uguna ayaan daran .. Somaliya waxay waqtigaas ku dambeysay oo sida Yawga la isu tubay Qurbe iyo xero Qaxooti 

Tilmaantaan kolka aan intaa kaga iimaado, weydiintu hadaba waxay tahay inkasto Somaliya illa xad weli Beerka ku gurguura-neyso Cago la'aan iyo Dastuur dhinac ka raran awgeed,  haddana su'aashu waxay tahay: Yaa somaliya si gacalnimo leh saldhig dawladnimo ku Badbaadiyey oo ugu yaraan heerka ay maanta joogto soo gaarsiiyey? .. Teeda kale waa tan la leeyahay Ismaciil xididnimo ayuu ku difaacaya Muuse Bixi ee hadaba waa kuma kan Aqoonsiga Somaliland hor taagn?

Hadaba Diid ama ha Diidin su'aalahaas si kooban aan kaaga jawaabo .. Sida aan kor ku sheegay, kadib marki Somali jabtay, Haad-ba Haad kiciyey, oo mid kasta dagaal ooga ah kibir aan aan la garaneyn oo wuxuu doona ku hadlaaya sida: wixii aan aniga doonaayo kaliya ayaa sax ah, saas markay dhacday waxaa ummadi Somaliya si macruuf ah iyo soo dhaweyn gogol u dhigay Madaxweyne Ismaciil Cumar Geelle, halkaaso beelihi iska soo xulay, Duqey, indheer-garad, Digtoor, Abwaan, Wadani, Dib-jir, Majnuun, Gardiid iyo Alle diid iyo kuwa anba way-kan iyo ka muuqo key noqotaba u shir is daba jooga bilo qaatay u qabtay, ugu dambeysti mudo marki Bururuftoodi ay is mari-waayeen oo gar iyo guurtiba la is diiday, waxaa ismaciil wuxuu raftaba, hadba dhinac soo dhigtaba xeer iyo xeer jajab wax ku wada-ba waxa u ku guuleystay inu kooxihi qabaaiilka heshiisiyo, oo xitaa malaayiin lacageed ku laaluushay khaasatan kuwi diidanaa heshiiski somaali ku saldhigan- lahayed, oo dabadeed halkaas waxay ku doorteen Madaxweyne Cabdi-qaasim Salaad iyo Gole Baarlamaan.

Marka ikhyaarey taas ma igu diidan-tihiin? mise ma xaq baa in iyadoo wax daliil xog-ogaalnimo la hayen la yiraahdo ismaciil somali buu kala dhantaalaya amase waa shirqoolaya iyo dagaalka Laascaanood dhinac buu kaga jira .. Yes waa run Ismaciil Xaga Bani'aadam-nimada waa u ku gargaaray oo dadki ku dhaawacmay dagaalki Laascaanood ayuu soo qaaday, laakiin taas ma hiil aqoonsi-ba, mise waa hiil u ku gacan-siinaayo la dagaalanka Laascaanood .. Aniga ka shakhsi ahaan oo aan ka mid ahaa xildhibaanadi horay looga soo doortay Magaalada Carta, goob joogna ka ahaa xiligi villa somaliya dirirta kula jirtay Faransiiska si xuriyad loo siiyo Jabuuti, isla markaana waqtigaas Carta oo aan la kulmay Ismaaciil waxaan ku arkay "Nin danta Somali la weyn-tahay" sidaa daraadeed waa igu adag-tahay inaan ku qanco dacayadaas dhinac kasta loo ridaayo ee shakhsi-nimadiisa ku socota .. haddise arinkaa wax ka jiraan oo daliil xog-ogaalnimo loo hayo, koleyba sidaan qabo ma jiraane waxaan oran-kara hadde ismaaciil waa Af duuban-yahay amase afgambi ayaa ku dhacay amase waa Asaasaqay, oo taas danbi kuma laha, lagumana Eedeyn-karo

Teeda kale Ismaciil illa iyo inta aan ka ogahay, weligiis ma aqoosan mana aaminsana wax la yiraahdo Somaliland, oo waxaa la yiraahdaa haddu heli-karo Badu ku guri-lahaa, balse dhulku la goyn-lahaa .. Reerka Isaaq, waxay aaminsan-yihiin in Madaxweyne Ismaciil u sida Haruurka midixin la mariyey uu u riiqdo somaliland.
 
Gabagabo- Somaaliyey Horay baan u eednay dhagar iyo Dacaayad beena oo sidaa daraadeed dhagarta la galaayo waxay tusaale u tahay tii laga galay Kumanaan ismaaciil la duruufa .. waxaa maanta idin kaga digaya inaad markale u jabtaan kuwi halkaas na dhigay oo Dacaayad beena iyo war xumo Dawladi la raraba .. Runti waa marxalad adag oo Ismaciil maalintaan taag xumeyn nogama tagin dhibki na haystay ee waxaan idin leeyahay aan wax hubsano oo yaan la abaal dhicin oo ha la iska ilaaliyo isha dulmanaha ee ka daran olol naareedka. 

Qore Qoraalkan: Maxamed Calihashi " Ina Cadaawe"
E-Mail ..  mhashi1@ hotmail.com