Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Waa In Sheekadu Cadaalada Gasha .. Imisaa Dagaaladi Laascaanod Ee Lahaa Saqiir Dalandali Ah Iyo Dumar Ku Aafoobay .. Hadaba Akhriso Lix Ciqaab Oo Somaliland Ay Kala Kulantay Xasuuqaas Lagu Eedeyey

Sunday - March 5, 2023




Tan iyo markii uu bilowday xasuuqa Somaliland ku heyso shacabka Laascaanood, waxaa jiray tallaabooyin ka dhan ah maamulka Hargeysa ee uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo ay qaadeen saaxiibada caalamiga ah ee taageerada dhaqaale iyo mida siyaasadeed siin jiray Somaliland.

Warsidaha Galdogob Times waxaa uu idin la wadaagayaa ilaa 6 tallaabo oo ay qaaday Beesha Caalamka, oo ay horkacayaan Mareykanka iyo Ingariiska, kuwaas oo kala ah:

1- Mareykanka ayaa Istaraajiyadiisa Berbera dib u Eegis ku bilaabay (Xisbiyada mucaaradka iyo Madaxweyne Biixi waxaa u sheegay Fariin-sidihii Mareykanka).

2- Dhoolatuski Milateri oo lagu qaban-lahaa Somaliland oo Kenya loo wareejiyey ( Waa soo dhamaaday.

3- UK Mashaariicda xagga ciidamada La xariirta ayay dib u eegaysaa "qaarkood wey hakiyeen ilaa 31-ka bishan March" (waa la shaaciyey).

4- Taageerada Sanduuqa SSF ayaa qeyb ahaan hoos loo dhigayaa, haddii aan xal deg deg ah la helin (DF Soomaaliya waa la ogeysiiyey).

5- Dhammaan Mashaariicdii Somaliland ka qaban-lahayd SSC ee dhaqaalahooda la marinayay ayaa hadda la marinayaa dhinaca dadka deegaanka "Guddi ay magacaabi doonan ayaa lala sugi doonaa".

6- Gargaarka Aadanaha oo ay Somaliland doonaysay in lasoo mariyo ayaa laga diiday- iyadoo US iyo dawladdaha kale marinayaan Hay’addaha dhinaca Puntland degan, ka dibna qeybintu ay leeyihiin guddiga SSC.