Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 25 April 2024

Dagaalki Maanta Laascaanood .. Tirada Dhimasho 60 Qof Halka 240 dhaawac Yihiin

Saturday - March 18, 2023




Laascaanood -  Sida la shegay In kabadan 60 ruux ayaa ku geeryooday dagaal kharaar oo maanta ka dhacay magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeyay ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC-KHAATUMO.

Dagaalka oo intiisa badan ka dhacay agagaarka dhulka Maraaga ayaa socday ilaa 10 saacadood, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay ilaa 240 oo qof.

120 kamid ah dhaawacyada isuguna jira ciidamada dagaalamayay ee SSC iyo dad rayid ah oo ku waxyeeloobay madaafiicda Somaliland ku garaacday gudaha magaalada, ayaa la dhigay isbitaalada Laascaanood, halka 20 ka mid ah ciidamada la geeyay isbitaalada caasimadda Puntland ee Garoowe.

Dhanka Somaliland, Isbitaalada Oog, Burco iyo Hargeysa ayaa la geeyay dhaawacyo wadar ahaan gaaraya 210 askari oo kamid ah ciidamada Somaliland, kuwaas oo 4 kamid ah yihiin saraakiil sare.

Sidoo kale, ilaa 7 sarkaal oo ay ku jiraan Labo Taliye Guutooyin, Madaxii Tababarada Guutada 9-aad iyo labo Abaanduule Guuto ayaa lagu aasay Oog .. Inta dagaalku socday ayaa sidoo kale lagu kala qabsaday maxaabiis gaaraysa 26, iyo 6 gaadiidka dagaalka ah