Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Thursday, 18 April 2024

Allaahayow Khaatumo Wanaagsan Nagu Arsaaq Oo Ducada Naga Aqbal .. Sidee Salaada Ugu Khashuuci-karta

Monday - March 20, 2023



1- In aad ku soo xaadiriso Qalbigaaga wayni Allaha aad hortaagan tahay marka aad tiraahdo  Allah Akbar ayaa ka weyn in aad Ogooto in Allah ka wayn yahay wax kasta oo Qolbigaaga ku mashquuliso wax kasta oo arrimaha adduunka ah ogow Allah ayaa ka wayn.

2- In aad dhugato dhexgasho u fiirsiga Qur’aanka aad akhrinaso .. Qur’aanka kalmad kasta oo aad akhrido Allah u jeedo wayn ayuu ka leeyahay, Dhambaalada Quraanka adiga ayay kugu socdaan In aad dhugato Qur’aanka aad Akhrinaso ama aad dhagaysanayso ayaa kaa dhigiya in aad ku khushuucdo Salaada.

3- In aad Salaada ku Gudato Goob dagan oo ka fog Qaylada iyo Buuqa taasi waxay kaa caawinasaa in aad Salaada ku Khushuucdo ku dadaal inta aad Awooddo in aad tukato Salaad Khushuuc-wadata oo aad dhugato Dhambaalada dhinaca Rabigaa ka yimi.

4- In aad Allah waydiisato in Allah kugu caawiyo Khushuucda Salaada dhexdeeda Ducadu waa Cibaado Sida uu yiri Suubanahu SCW