Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

Xiliga Somalidu Ka Go'i-doonto Qaarada Afrika .. Dalalka Rwanda Ugandha Congo Malawi Iyo Zambiya Oo Bada Yeelandoona, Halka Somaliya, Itobiya, Djibuti Iyo Kenya Qaarada Afrika Ay Ka Go'doonaan

Tuesday - March 21, 2023





Afrika ayaa si tartiib tartiib ah ugu kala qaybsamaysa laba qaybood .. sida ay xaqiijiyeen khubarada cilmiga dhulka ee Geology-ga, habkan oo aakhirka Dalal dhan oo ay Somalia ku jirto ka jari-doona dhamaan quruumaha qaaradda oo dhan, horseedi-doona samay-sanka Bad cusub.

Sida laga soo xigtey cilmi-baaris dib-u-eegis lagula sameeyay arrintan oo lagu daabacay joornaalka Joornaalka Cilmi-baarista Geophysical Research Letters, kala-go’a tartiib-tartiibka ah ee qaaraddu waxay ku xiran tahay dil-dillaac dhererkiisu yahay 35-Mayl oo ka soo muuqday Saxaraha Itoobiya kaddib dhul-gariirkii 2005, kaasoo ugu dambayntii noqon doona gebi ahaanba meel ay marto Badda cusubi.

30-kii milyan ee sano ee la soo dhaafay, Saxanka Carabtu waxay ka guurayeen kuwa Afrika, hab la mid ah midii abuuray Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, ayaa lagu yiri warbixinta. Saxanka Soomaalida ee ku yaal bariga Afrika sidoo kale waxa uu ka fogaanayaa Saxanka Nubi.

Dalalka Rwanda, Uganda, Burundi, Democratic Republic of Congo, Malawi iyo Zambia oo haatan Bad-xiran wada ah ayaa bad yeelan-doona, halka Somalia, Eritrea, Djibouti, bariga Ethiopia, Kenya, Tanzania iyo Mozambique ay qaaradda oo idil ka go’ayaan, taasoo ay weli kusii dheganaan doonaan qaybaha kale ee Kenya, Tanzania iyo Ethiopia oo yeelan-doona “laba geyi oo kala go’an”.