Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

"Qaybti 1-Aad" Ku Xirnow Taxanaha Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore .. Wixii Ugu Horeeyey Ee Alle Abuuray Waa "Qalin" Ka Sameysan Nuur Masaafo Ahaan Loo Tiriyo Mail 500 Sano

Thursday - March 23, 2023




Sida Laga Wada Warqabo waxaa la dajiyey kumanaan iyo kumanaan kitaab oo laga qoray aqoon aad u kala duwan, aqoontaas oo la isku yiraahdo Culuum Ad-Diin iyo kuwa kalaba, waxayse taas keentay Firqooyin xaga fahamka Caqiidada Oo Dadku Ku Jaaha-wareereen, si kasta oo loo kala fikir noqday koleyba diinta Tafaasiirtiisa faragalin badan ayaa lagu sameeyey oo ay saameyn ku yeelatay mid-nimadi ummadda islaamka.

Arintu si kastaba ha noqote, Culimada waa isku khilaafaan waxaa ugu horeeya Ee u ILaahay Abuuray, waxayna u kala baxaan Sadex Qaybood .. Kuwa Yiri waxaa la hor abuuray "Carshiga" .. Kuwa kale ayaa iyaguna yiri waxaa horaanti la abuuray " Biyaha" Hasa-ahaate marki dambe xaga culimada waxaa loo batay ugu horeynti in la abuuray " Qalinka"
    ---------------------------------- 
Ibnu Cabaas waxaa laga wariyey in nabi Maxamed CSW u yiri: Rabigi aduunyada lahaa, su rabo noqone. Alle waxuu abuuro waxaa ugu horeysay "Qalin" ka sameysan Nuur oo dheerar ahaan loo tiriyo masaafo maile in loo socdo 500 sano, waxuu kalo abuuray diwaanka Loox Maxfuud oo isna ka abuuran Atom Cad ( Da'rat Bydaa) oo balaarkiisu la qiyaas yahay inta ay isu jiraan cirka sare iyo dhulka.

Alle Ayaa ku yiri Qalinkii: Qalinkow Qor .. Qalinki ayaa yiri: maxaan qoraa .. Alle ayaa yiri: Qor Cilmi-geyga xaga khal-qadeyda illa maalinta qiyaamaha, markaas ayaa Qalinkii qoris ku dhaqaajiyey wax kasta oo jiri-doona illa maalinta Qiyaamaha .. Alle maalinti 360 jeer ayuu eegaa Loox maxfuudka oo wax ka Abuura, ka Rasaaqa, ka Darajeeya nolol lagu Tanaado iyo kuwa Naari soli-doonto, iyo kuwa Jano la siin-doono, kuwa la seejin-doono nolosha oo Mawd-noqda, iyo waxuu doono awoodiisa ku sameeya xukun kasta . 

Nabiga CSW ayaa su'aal la weydiiyey oo la yiri: Alle intusan abuurin cirka iyo dhulka iyo khalqiqa xagee buu joogay .. Nabiga Maxamed CSW, waxuu yiri: Meel ayuu ku ekaa korna ahayd "Hawo" hoostana ahayd "Hawo" oo markii dambe Carshigiisi ka yeelay Biyaha.

Ibn Cabaas RC ayaa la weydiiyey oo la yiri: maxaa laga abuuray Samada, waxuu yiri: waxaa la isku fasaxay lana isku cadaadiyey "Dabeyl rogmeysa ma dhaleys ah iyo Biyo", markaas waxaa ka dhashay mawjado Qiiq kor isku shareeray kadibna laga curiyey Cir ama "Samo" sido kale xumbooyinkii ka dhashay cadaadinti Dabeysha iyo Biyahi oo si amar Alle u dhagaxoobay baa iyagana marki dambe Dhul noqday

Ibn Cabaas (RC) ayaa laga wariyey: in niman horyaal Yuhuudeed ah ay u yimaadeen nabi Maxamed CSW, waxayna weydiiyeen su'aal la xariirta maalinta Alle bilaabay wax abuurista? Nabi Maxamed wuxuu yiri: maalin Axad iyo Isniin ayaa la abuuray dhulka .. Talaadadana la taagay buuraha iyo wixi manfac ku jira, iyadoo maalinta arbacadana la abuuray Biyaha iyo Geedaha, halka Khamiista la abuuray Samada, Xidigaha, Kawaakibta iyo Malaaiigta .. Maalin Jimco waxaa la abuuray Janada, Naarta iyo Aadam CSW oo dabadeed Alle ku ekaaday (istawaa) carshiigiisa 

Yahuudi wey ka aqbaleen Nabiga jawaabtiisi, laakiin waxay raaciyeen ereyga ah in Alle hawshi Maalin Sabti ka nastay, taaso nabi maxamed si aada uga carooday sida ay u baal mareen awooda Alle iyo xqiisa, oo sidaa daraadeed Alle markaa soo dajiyey suurad qeexeysa in Alle Samada,dhulka iyo dhexdooda-ba u ku abuuray Lix maamood isagoon wax Daal ah taabanin.

Culimada qaarkood ee sharaxda sayniska diinta ayaa qaba in falagyada ay tiradooda yihiin "Todoba" lagana abuuray xaga " Uumiga Biyaha"  kor-koodana waxaa ku yaala "Beyt Macmuur" ay maalintiiba Todobaatan kun malag ku tukadaan .. Beytka waxaa ku yaala 360 Albaab oo raxmada Eebe ka soo duusha dhulka timaada
Qore: Waa Walaalkiin Maxamed CaliXaashi " Ina Cadaawe" Oo Idin Leh Rabi Ha Idin Ka Aqbalo Soonkiina iyo Tukashadiina Aamin Aamin