Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 29 March 2024

"Qaybti Labaad" Ku Xirnow Silsiladi Akhbaarti Facada Weyneyd Ee Zamaanki Hore .. Abuuristi Jin Iyo Jaan Iyo Sidi Malaaiigta Marki Dambe U Ciribtirtay

Saturday - March 25, 2023



Culimada cilmiga sare oo ka mida kuwa islaamka ayaa isku waafaqsan in Alle kor ahaaye wax aan asal lahayn amase mitaal lahayn wax ka abuura .. Alle marku dhameeyey abuuristiisi cirka iyo dhuka iyo wixii la xariiray ayuu dhulka ku abuuray khalqi u ka mid yahay Jaan Iyo Jin, kuwaaso ka horeeyey intaan la abuurin Nabi Aadam CSW.

Jaanka iyo afadiisa oo laga abuuray Olol-dab aan qiiq lahayn,waxay markii ugu horeysay iska dhaleen 21 Ukumood oo kii ugu horeeyey u ekaa suurad Mukulaal qaab-daran "Curi" iyo kuwi kale oo suurad bahalo qaab-daran leh oo kala gadisan, kuwaaso taran-kooda Mashriq illa Maqrib buuxshay .. Alle waxuu uga digay Reer Jaan iney Alrada aysan fasahaadin iyo dhiig daata, waxuuna khalqigaas madax uga dhigay "ibliis" oo ka mid ahaa isla isrka Jaan, laakiin ma ay yeelin balse arladi fasaad galiyeen .. sida ay xuseen culimada ka qisoota taariikhihi Zamanki hore Umadahaas jinka waxay arlada dusheeda ku noolaayeen laba kun oo sano ka hor Aadam.

Ibliis oo isagu markaas Caabud Alle ahaa, marku arkay falalka argagaxa lahaa ee ay sameynayaan Qoonkiisa, waxuu Alle ka baryey in reerkaan reer Jaan aan lagu ag-cibaadeysan-karin oo ay yihiin Qoom an wax rajo ah lahayn sidaa darteed codsaday in kor iyo samada loo qaado .. Alle waa ka aqbalay codsigi ibliis waxuuna Alle ciidan malaaigtiisa ka mida ku amray in la laayo reer Jaan, sidaa daraadeed wixii Jaan iyo Jin ahaa malaaiigti soo dagtay ayaa cagta marisay oo hoog iyo layn aan la arkin u geysatay wixii ka harayna baqo u yaaceen jaziiradaha qaaradaha aduunka ay ka mid yihiin Jasiiradaha Dunida gaar ahaan Yurub, Afrika, aasiya, Ameerika iyo kanada iyo arla kalaba.

Isla markaa malaaiigta oo amar ku haystay in Ibliis samada la geeyo ayee halkii ka xambaareen oo geeyeen halka ay Alle ku caabudaan oo isagi malaaiigta la cibaadeystay .. ibliis sidaas ayuu Samada ku tagay oo marnaba ma ka mid ahayn malaaiigta, balse wuxuu ka mid ahaa jinka, laakiin ibliis wax kasta oo Alle wanaag u sameeyey, waxuuse noqday mid qiyaasuhu ka xumaadeen isla sareeya aan abaal gudin.

Kadib Alle waxuu malaaiigta iyo ibliiskii goobta joogay u soo bandhigay doonistiisa abuurista khaliifka arlada Aadam. dabadeed malaaiigti ayaa Alle weydiisay waxa u yahay khalifkaas .. Alle ayaa yiri: waa khalif yeelan-doona duriyad, ubadkiisa fac ka fac ku tarmi-doona dhulka isagana hari-doonaan, waana is xaasidi-doonaan oo dhiig iska daadin-doonaan .. 

Malaaiigti ayaa ku jawaabtay oo tiri: ilaahow ma waxaad dhulka dajin-doonta kuwa fali-doona fasahaad oo daadin-doona dhiig, halka aan inagu kuugu tasbiixsano oo xamdigaaga iyo mahad-naqaaqa ku-weyneyno .. Alle wuxuu yiri: waxaan ogahay wax aydaan ogeyn, wuxuuna baray Aadam magacyada wax walba. dabadeedna wuxuu u soo bandhigay Malaaiigti oo yiri: Bal ii sheega magacyada kuwaan haddi aad run sheegeysaan .. Malaaiigti waxay yiraahdeen, adigaa nasahane, xikmad badan, ma lihin cilmi aan ahayn wixii aad na bartay .. Alle weyne magacyada u baray Aadam oo kaga sara maray malaaiigta waxaa ka mida ahayd magacyada: Dadka, Duunyada, Arlada, Dalalka, Badaha, Buuraha,Geela,  Dameeraha iyo magacyo kale iyo xitaa magacyada Malaaiigta.

Ibliis Oo Aadam iyo Xaawo ku yiri ma idin tusa Geedka waarid iyo boqor-tooyada aan waligood dhamaaneyn, markass bay wax ka cuneen oo u muuqatay Cawradoodi oo sidaas ayu Aadam u lumiyey. iyo amar-diidadiisi hore awgeed ciqaab ahaan isagoo dufeysan dayro ah dhulka lagu soo celiyey, loona sheegay inu ahlu-naar yahay .. ibliis wuxuu ballan qaaday inu u fariisan-doono Aadanaha jidka toosan, oo dabadeed uga iimaan-doono hortooda, gadaashooda, midigtooda iyo bidix-yadooda, laakiin Alle wuxuu yiri, kii kasta ka mida dadka oo ku raaca waxaan kaala buuxin-doona naarta.

Sida culimada sheegaan Aadam waxaa lagu tuuray dhulka Sarnadiib ee ku taal Indiya,, laakiin hadda ah Siralaanka, sido kale Xaawo waxaa la geeyey dhinacaa iyo dhulka Jida ku magacaaban, halkaa Ibliis lagu midaamiyey arlada Bibisaan ee ku taal Urdun iyo Abeesadi oo qayaran iyadana lagu tuuray dhulka Asfahaan ee iiraan. 

Sida culimadu xusto Aadam waxaa la abuuray saacadihi ugu dambeeyey ee maalin jimco, dheerarkiisu waxuu ahaa lixdan dhudhun .. Aadanuhu waa is dhimahayey dheerar ahaan ilaa uu soo gaaray heerkiisa hadda .. Qofkasta oo janada galayana, wuxuu gali-doonaa isagoo sida suurada Aadam leh.

Aadam CSW markay geeridi u timid, waxaa la sheegay in u ka tagay 40.000 Qof oo ah waxuu dhalay iyo waxay si dhaleen,
Qore: Maxamed Calixaashi "Ina Cadaawe" oo Idin Leh Dhamaanteen Allaha Deeqsiga Ah Ducada Ha Naga Aqbalo Oo Rabiyow Ha Naga Yeelin Kuwa Wajigooda Cara Soo Saara .. Aamiin Aamiin