Waa Shabakad U BAN BAXDAY WARAR SUGAN IYO RAAD RAACA TAARIIKHDA.
Friday, 19 April 2024

"Qaybti 4-Aad" Ku Taxnow Akhbaarti Faca Weyneyd Ee Zamanki Hore ..Qisadi Haaruut Iyo Maaruut .. Gabadhi Qaadatay Magaca ILaahay Ee Lagu Fuulo Samada Oo Marakay Mareysay Hawada Isu Badashay Xidig

Monday - March 27, 2023


Qisadan waxay ku saabsantahay Yahuudii deganayd magaalada Madiina ayaa maqashay in Nabigii ILaahay ku tilmaamay Suleymaan ibnu Daa’uud inuu ahaa Nabi .. Yahuudu intay u tagtay Nabiga ayey ku dhaheen Suleymaan Nabi muusan ahayn ee Sixiroole ayuu ahaa, labada Malak ee Jibrii iyo Miikaa’iilna way necbaayeen oo way ka caroon ama xannaqi jireen markay maqlaan magacooda ayagoo u tiirinayey inay ahaayeen labadii Malak ee dadka sixirka baray. 

Nabigii ILaahay Maxamed SCW, waxa lagu soo dajiyey Aayada 102 ee Suurada Baqara, oo tilmaamaysa in Nabi Suleymaan aanu ahayn Sixriroole ee hantida iyo xoolaha Eebe siiyey oo ku manaystay .. Aayada sharafta leh waxay kale oo tibaaxday in Shayaadiintu dadka Sixirka bareen sidoo kale Labada Malak ee Jibriil iyo Miikaa’iil bari ka yihiin been abuuradkan Yahuudu sheegatay. 

Yahuudu waxay aminsan-yihiin in Suleymaana mulkiga ku helay Sixir iyo faal ayagoo iska indho tiraya in ILaahay kor ahaayee siiyey Nabi Suleymaan mulkiga .. Geeridii Nabi Suleymaan kadib ayaa Shayaadiintii u shaqayn jirtay Nabi Suleymaan soo saareen Kitaab uu qori jiray nin la oran-jiray Aasif ibnu Barkhiya oo ahaa ninkii qori-jiray waxyiga Nabi Suleymaan. Kitaabkan oo ku duugnaa kursigii Nabi Suleymaan hoostiisa, markaasay Shayaadiintii ku dartay hadalo Sixir iyo Shirki ah, kadibna dadka ku dhex faafiyeen in Nabi Suleymaan adeegsan-jiray Sixir.

Yahuuda oo ka tagtay diintii xaqa ahayd ee Nabi Muuse CSW kuna caan-baxday eedaynta iyo dhaleecaynta. Nabiyadii Ilaahay ayaa been abuuradkaas wayn ka sheegayn nabigii iLaahay ee Suleymaan CSW .. Hadaba maadaama ay arrintaasi ku dhex faaftay dadka dhexdooda waxa la faray Laba Shakhsi Adoomo rabi ah oo la dhaho Haaruut iyo Maaruut inay dadka baraan Sixirka ayagoo dhahaya anagu fitno ayaan nahay ka hor intaanay dadka barin, cidii naga barata Sixirkana maalinta Aakhiro nasiib kuma laha. Labadan shakhsi ee la dhaho Haaruut iyo Maaruut waa laysku khilaafay inay ahaayeen Malaa’ik ama Bani Aadam. 

Sii kastba ha ahaatee waxa ummadda dhexdeeda ku faaftay xadiis oranaya labadan shakhsi waxay ahaayeen laba Malak oo Shahwada bani-Aadamka ee aduun jecaylka lagu imtixaamay, kadibna ay Gabar fitnaysay, oo markay macsidii ku dhaceen ayey u sheegeen magaca ILaahay ee wayn kaas oo ay Malaa’iktu ku fuulaan samada sare.

Gabadhii way qaadatay oo markay maraysay hawada sare ayaa la Nasakhay oo ay isu badashay Meeraha Suhra ama "Venus" Kadibna Haaruut iyo Maaruut ma daama ay gaf sameeyeen ayaa la kala doorsiiyey in aduunka lagu cadaabo ama Aakhiro midkood, waxayna doorteen cadaabka Aduunyada oo ila hadda Samada ayey ka soo laalaadaan ..  Xadiiskan oo dadka dhexdooda ku faafay waa mid daciif ah oo culamadu qaarkood daciifiyeen sanadkiisa Raad raac

Si kastaba ha ahaatee Eebe waxa uu doonaayay in dadka lagu imtixaamo barashada Sixirka iyo in hadii uu Suleymaan hantidiisu ahayd Sixir iyo faal inay bal mulkigiisii oo kale la yimaadaan haday awoodaan. Yahuudii oo ogayd in cilmigani yahay Sixir oo Ilaahay agtiisa xaaran ka yahay way barteen oo Aakhiro ayey dhaafsadeen waxa aan waxba u tarayn.

Eebe (SW) waa cadeeyey in mulkiga Suleymaan aanu ahayn Sixir iyo fal toona, ee cida gaalowday ee sixirka iyo falka adeegsatay ay ahaayeen Shayaadiinta. Labadan shakhsi waa Haaruut iyo Maaruut waxay ahaayeen Jinni ama Bani Aadam midkood waa sida ay xaqiijiyeen culumada Ibnu Kathiir iyo Qurdubi. Sababtuna waxa weeye Malaa’ikta Ilaahay ma caasiso mana baraan dadka sixirka iyo gaalnimada.  

Qore: Maxamed Calixaashi " Ina Cadaawe" Oo Idin Leh: Muraadkiina iLaahay Ha Idin Fududeeyo Ee Ha Ka Daalina Ducada Oo Rabigiin Xasuusta Oo Toobad Keena Si U Kaga Cesho Shar Iyo Dhib Kugu Soo Socda Oo Aanad Ogeyn .. Ulana Imaada Rabigiin Qalbi Hufnaan Ku Jirto Aamiin Aamiin